Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Golaha baarlamaanka oo maanta si buuxda ku ansixiyey gudoomiyaasha iyo xogheynta 14-ka guddi ee baarlamaanka.

Golaha baarlamanka fedaraalka kmg ah ee Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Baydhabo ayaa waxa ay maanta ku guulaysteen in ay ka gudbaan caqabadii ka dhalatay dhamaystirka guddi hoosaadyada baarlamanka oo laf dhuun gashay ku noqotay baalramanka kulamadii ugu danbeeyay oo ay ku yeesheen magaalada Baydhabo, kuwaasoo ay isku mari waayeen xildhibaanda. Kulankii maanta oo uu shir gudoominayay gudoomiyaha baalramanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayna kasoo qeyb galeen 180 mudane ayaa waxa uu golaha ku ansaxiyay magacyada gudoomiyayaasha iyo ku xigeenadooda oo ay yeelanayaan 14ka guddi ee baarlamanka,

iyadoo gudoomiyaha baarlamanka uu uga warrmay saxaafada sida uu kusoo gaba gaboobay kulankii baarlamanka iyo natiijadii kasoo baxday. “maanta waxaa la go'aamiyay guddiyadii baarlamanka ee 14ka guddi ahaa ee horay loo ansixiyay gudoomiyayaashoodii, ku xigeenadoodii iyo xoghayntoodii, inkastoo hal xogheyn ay naga dhiman tahay, dhamaantood waa laysku raacay, xildhibaanada kuligood wey ogalaadeen.

Gudoomiyayaasha guddiyadan iyo ku xigeenadooda oo lagu soo bandhigay madashii kulanka maanta waxaa inoo suurta gashay in aan helno qaar kamid ah magacyada gudoomiyayaashii maanta la ansixiyey: - Gudoomiyaha guddiga cadaalada Sheekh Jaamac Xaaji Xuseen. - Gudoomiyaha guddiga caruurta iyo arrimaha qoyska Qamar Aadan Cali. Gudoomiyaha arrimaha nabad gelyada iyo difaaca Max'ed Ibraahim Xaabsade. -

Gudoomiyaha maamulka lacagta iyo ilaalinta hantida qaranka C/lle Xaaji Cali. - Gudoomiyaha arrimaha bulshada iyo dhowrista Bii'ada Aadan Max'ed Cali. - Gudoomiyaha guddiga warfaafinta Cawid Axmed Casharo.

Gudoomiyaha arrimaha dibada iyo xiriirka caalamiga ah Jaamac Cali Jaamac. - Gudoomiyaha dhaqaalaha, ganacsiga, warshadaha iyo xoolaha Axmed Ducaale Geelle (Xaaf). Ansixinta gudoomiyaashan iyo xogheynadooda oo indhaweydba uu muran ka taagnaa ayaa maanta lasoo afmeeray ka gadaal markii gudoomiyaha baarlamaanka uu dib ugu soo laabtay gudaha magaalada Baydhabo.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
MOGADISHU