|
Prof
Cali Maxamed Geedi oo gelinkii danbe ee maanta gaaray magaalada Nairobi .
Wasiirka koowaad ee Xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya Dr Cali Maxamed Geedi
iyo Wafdi wasiiro ah oo la socday ayaa Galabta waxay soo Gaareen Magaalada
Neyroobi ee xarunta dalka Kenya .
Xubnaha ra’isulwasaaraha la socday oo ay ka mid yihiin wasiirada
qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah C/risaq Cisman Xassan Jurile ,maaliyada
Saalim Caliyow Ibrow,warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo xubno kale
ayaa ujeedada socdaalkooda waxay la xiriirtaa ka qeyb galka kulan ay isugu
imanayaan madax ka kala socota urur goboleedka IGAD oo lagu wado in 20-ka
bishan uu ka dhaco Nairobi.
Ra’isulwasaaraha ayaa ka hadlay socdaalkiisa intii aanu ka ambabixin
magaalada Baydhabo oo uu kulan kula yeeshay golihiisa wasiirada isagoo
sheegay in uu magaalada Nairobi kula kulmi doono diblomaasiyiin ka socota
hay’adaha Qaramada midoobay oo ay ka wada hadli doonaan sidii gargaar loogu
fidin lahaa dowlada iyo shacbiga Soomaaliyeed.
Kulankii golaha wasiirada ayaa maanta looga hadlay arimo ay ka mid yihin
dhaqan gelinta baasaboor loo sameeyey Soomaaliya oo isla maanta golaha
wasirada ay ansixiyeen,amniga qaranka ,canshuur ururinta iyo arimo kale
waxaana lagu magacaabay guddi howshaasi sii wada.
Tegitaanka ra’isulwasaaraha iyo wafdigiisa ay maanta tageen magaalada
Nairobi waa markii ugu horeysay tan iyo markii baarlamaanka uu isugu yimid
magaalada baydhabo uuna uga bilowday kalfadhigii ugu horeeyey oo ay
Soomaaliya ku yeesheen .
Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
Mogadishu
|