Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Yuusuf iyo Geedi oo dhawaan ka tagi doona Baydhabo.

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa shaegaya madaxweynaha dowladda fedaraalka kmg ah ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed in uu u ambabaxayo maalmaha soo socda magaalo madaxda wadanka Britain ee London.

Warar laga helay xafiiska madaxweynaha ayaa sheegaya socdaalka madaxweynaha uu ku tagayo dalka Britain in uu la xariiro howlo caafimaad, inkastoo aynan jirin warar madax banaan oo muujinaya waxa uu la xariiro socdaalka madaxweynaha.

Madaxweyne Yuusuf ayaa waxa uu xalay kulan kula yeeshay guriga uu ka degan yahay magaalada Baydhabo ra’iisul wasaaraha dowladda fedaraalka kmg ah ee Soomaaliya Cali Max’ed Geeddi.

Lama garanayo waxa ay ka wadahadleen labada masuul, basle warar laga helayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaya kulankaas in looga wada hadlay xaalada dalka iyo hanaanka loo soo afjari karo khilaafka u dhaxeeyay masuuliyiinta dowladda.

Kulanka labada masuul ayaa kusoo beegmay maalin kadib markii gudoomiyaha gobolka Shabeellaha dhexe Max’ed Dheere uu eedayn u jeediyay madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.

Dhanka kale ra’iisul wasaare Cali Max’ed geeddi ayaa waxaa isagana la filayaa maalmaha soo socda in uu u baqoolo magaalada Jowhar, halkaasoo kulamo uu kula yeelan doono Max’ed Dheere, iyadoo la wada ogsoon yahay ra’iisul wasaare Geedi in uu taageeray isbahaysiga 18kii bishan lagaga dhawaaqay magaalada Muqdisho ee la magac baxay la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM