|
Gabar Wariye ah oo Mareykan ah ayey sii daayeen dadkii qafaashey
Gabar wariye ah oo u dhalatay Dalka Mareekan ka (American) Da’dee duna
tahay 28jir Magaceedana la yiraah Jill Carroll ayaa la soo dayay kadib
markii Ciraaq lagu aftuubatay laba bilood ka hor iyada oo joogta waqooyiga
Baqdaad iyada oo markaa la dilay turjubaan keedii la socday, kadib markii ay
soo weerareen Dablay aan la garanayn.
Jill mar ay maanta lahadashay Saxaafada waxa ay sheegtay in aan wax dhiba
ah loogeesan intii ay xirneyd balse ay dareemaysay in ay maxbuusad tahay.
”Maan soo dhaafi jirin halka la iigu tala galay, waxa la ii ogalaa in aan
maalintii hal mar warka aqristo hal marna aan TVga daawado” ayey Jill Tidhi.
Jill oo hadal keedu koobnaa waxay sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay
sii deynteeda iyo in ay Qoys keeda markale ku soo noqoto.Jill Carroll waxay
tiri ma aanan garanayn waxa la ii haystay, subax nimadan uu baa la ii
sheegay Sii dayntayda “Soo bax waanu kuday naynaa” ayey i dhaheen bay tidhi.
Police ka Ciraaq ayaa sheegay la soo dhigay Jill meel u dhow Xafiiska
Xisbiga Islaamiga Ciraaq. iyada oo kor u haysa waraaq ku qoran afka carabiga
oo Xisbiga ka dalbaneysa inay caawiyaan.waxayna soo gashay Xafiiska.
Xisbiga oo ah ururka ugu weyn xisbiyada siyaasada dadka Suniga ah.
Kadibna waxaa loo gubiyay Xurunta wayn ee xisbiga. Halkaas oo lagu gudoon
siiyay hadyado uu ku jiro Kitaabka Quraanka ah .waxanay halkaas kula
kulantay asxaabteeda bahda Saxaafada iyo Masuuliyiin Ameericaan ah ka hor in
taanay u soo Dhoofin America 2.30 duhurnimo iyada oo markaa xiran Xijaab
Cagaar biyo biyo ah. Jill Carrol waxay tahay qofkii 4aad oo reer galbeed ah
oo la soo daayo 8dii cisho ee ugu danbaysay.
Jill waxay tagtay bariga Dhexe daba yaaqadii sanadkii 2002dii, kadib
markii laga rusqeeyay shaqo ay u hasay warside. lix bilood uun intii aanu
dagaalku bilaamin ayeey u guurtay Dalka Jordan si aay ubarato dhaqanka iyo
nolosha Gobalka.waxay laheed hadaf dheer oo ay jecleyd in ay ka soo waranto
Goobaha dagaalka.Jill waxay u shaqaysay warbaahino kala gadisan oo ay ka mid
yihiin: AJR, U.S. News & World Report. Waxay na badaaa waraysiyo siin jirtay
Idaacada weyn ee NPR.
Abdifatah Maxamed Abdinur
RSTV News Room in MN
|