Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Gabar Duuliye ahayd oo Labada Lugood kaga go'een Dagaalkii Ciraaq ayaa u tartameysa Aqalka Corgareeska ee Mareykanka.

RSTV  March 23,2006  Gabadhan oo lagu Magacaabo L. Tammy Duckworth, isla markaana  duuliyaha ahayd ee darajada Ciidamada gaartey Gaashaanle waxayna aheyd Duuliye helicopter, muddo Hadda laga Joogo laba Sano ayey luguhu kaga go'een Miinada la dhigo Jidka.

Tammy Duckworth waxay ku biirtey Xisbiga Dimoqraadiga waxayna dooneysaa iney kasoo  gasho Magaalada Chicago.

Doorasho Hordhac ah oo la sameeyey ayaa muujineysa inay ka horreyso qofkii la tartamayey oo iyadu keentey ama ku guuleysatey cod gaaraya 44% halka qofkii kale iyana aheyd Haweeney ganacsato ah ay  gaartey iyana 40%, sida Muuqata waxaa ay u egtahay inay ku guuleysan doonto tartankan.

Gabadhan oo ku socota kursiga dadka curyaamiinta ah waxay dadaal weyn ugu jirtaa inay ku guuleysato doorashadan iyadoo taageero weyn ka heshey dad badan oo ka tirsan xisbiga Demoqraadiga ah ayna ka mid tahay Xaaska madaxweyne Bill Clinton oo lagu magacaabo Senator Hillary Clinton oo iyadu la filayo iney u istaagto Doorashada Madaxweyne ee Mareykanka 2008, waxaa kale oo taageero u Muujiyey Sen. John Kerry oo isaguna hore ugu tartamey Madaxweynenimo sannadkii 2004tii.

 

RSTV NEWSROOM
ROCHESTER,MN