|
Dacwad ku saabsan fadeexaddii
Goldenberg oo ka bilaabaneysa waddanka Kenya
waxaa waddanka Kenya ka billaabaneysa Dacwad la xiriirta Musuqmaasuq iyo
wax is dabamarin. Dacwaddan oo lagu magacaabo Fadeexaddii Goldenberg ayaa ah
lacag la lunsadey oo si aan sharci ahayn loogu fuliyey hab ganacsi oo
lsheegey in la doonayey ama uu ahaa mid loo ekeysiiyey hab sharci ah in
dahab iyo Dheeman dibadda loogu iibgeynayey kaasi oo aan jirin haba
yaraatee. fadeexaddan oo ku kacdi amam lagu lunsadey Lacag dhan $600 oo
Mallion oo Doollar. waxayna Arrintani Dhacdey sannadkii1990-1993 kii
xilligaas oo waddanka uu Maamulayey Mr. Moi. Dad Badan oo Magac ku leh
waddanka Kenya ayey Dacwaddani Galaafnaysaa waxaana ka mid ah Masaxweyne ku
xigeenkii hore dawladdii Moi proffesor George Saitoti oo hadda
ahaa wasiirka Lacagta hase yeeshee ka fariistey ama iska Casiley Jagadaas.
waxaa kale oo raagga Dacwada lagu qaadi doono ka mid ah :
Ninka Ganacsadaha ah ee lagu magacaabo Kamlesh Pattni, Nin hore madax uga
ahaa Xafiiska Sirdoonka Mr.James Kanyotu, Qasnajigii hore Mr.Wilfred Karunga,
iyo Guddoomiyhii Hore Bankiga Mr.Eliphaz Riungu waxaa kale oo laga yaabaa
nin Dacwaddani ay Far la gasho rag badan oo aan wali la magacaabin
waxaana ka mid ah laba wiil oo uu dhaley Daniel Arap Moi oo ah Madaxweynihii
Hore ee Kenya. RSTV NEWSROOM
Minneapolis, MN |