|
Dhul
gariir xoogleh oo dad ku dhintey ayaa ka dhacey dalka Iiraan.
Sida uu ku warramey Telefshinka ay dawladdu leedahay waxaa waddanka Iiraan
ka dhacey dhul gariir lixaad leh kaasi oo geystey Kharaare badan iyadoo tiro
dad ahi ay ku dhinteen kuwa kalena ay ku dhaawacmeen. dhulgariirkan oo
dhacey Jimcaha markii waagu baryey ayaa waxaa lagu qiyaasey 6.0 waa qiyaasta
lagu cabbiro dhulgariirka. Sida uu faafiyey Telefishinka dalka Iiraan
dadka dhintey waxay gaarayaan ilaa 42 ruux iyadoo ku dhawaad 700 oo
kalena ay ku dhaawacmeen, ninka Madaxda ka ah guddiga ka hortagaa
dhibaatooyinka iyo Burburka dalkaasi oo lagu magacaabo Ali Barani ayaa
sheegey in dhimashada hadda la ogyahay ay tahay 42 qof iyadoo laga yaabo
inay ka badato. Guddoomiyaha gobolka uu dhulgariirku ka dhacay ayaa
warbaahinta u sheegay in waxaa khasare soo gaarey 30-40 tuulo oo nawaaxigaas
ah waxaana laga cabsi qabaa in dhimashadu ay soo badato marba marka ka
dambeysa. Muqtar Ahmed Katiitow
RSTV NEWSROOM
Minnesota |