|
Dagaal dhex maray maleeshiyooyin kala raacsan Indhacade iyo Cumar Filish.
Warar deg deg ah oo goor dhaw aanu ka helnay deegaanka Dhanaane ee
gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya dagaal in uu maanta ka qarxay
deegaankaas, kaasoo u dhaxeeyay maliishiyooyin kala taabacsan wasiirka
owqaafta iyo arrimaha diinta ahna xubin kamid ah isbahaysiga dhawaan lagaga
dhawaaqay magaalada Muqdisho ee la magac baxay la dagaalanka argagixisada
iyo gudoomiyaha gobolka shabeellaha hoose Sheekh Yuusuf Indhacade.
La magaranayo khasaaraha uu gaystay dagaalkan u dhaxeeya labada dhinac ee ka
qarxay deegaanka Dhanaane oo ah dagaalkii ugu horreeyay ee dhex mara
maliishiyooyinka kala taageersan wasiirka owqaafta iyo gudoomiyaha gobolka
Shabeellaha hoose Sheekh Yuusuf Indhacade.
Mar aanu la xiriirnay labada dhinac ee ku dagaalamaya deegaanka Dhanaane
waxa ay ka gaabsadeen in ay faah faahin ka bixiyaan dagaalkaas la sheegay in
uu ka socdo deegaanka Dhanaane.
Wararka qaar ayaa sheegaya dagaalkan in uu salka ku hayo isqab qabsi dhinaca
deegaanka ah oo u dhaxeeya maliishiyooyinka hubaysan ee kala taageersan
wasiirka owqaafta iyo arrimaha diinta iyo gudoomiyaha gobolka Shabeelaha
hoose.
Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
|