Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Dowlada federaalka oo muujisay sida ay uga xuntahay sarkaal UNICEF ka tirsan oo Afmadow lagu afduubtay.

Wasiirka warfaafinta ee dawlada fedaraalka kmg ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa Maanta Sheegay dowladiisa in ay ka xumaatay Afduubka loo gaystay Sarkaal Maraykan ah oo ushaqeynayey hay,ada UNICEF oo shalay lagu afduubtay Degmada Afmadow ee gobolka jubada hoose.

Maareeye ayaa sheegay masuuliyiin uu kamid yahay ra’iisul wasaare Cali Max’ed Geeddi in ay xiriir la sameeyeen maamulka isbahaysiga dooxada jubba iyo waxgaradka ku dhaqan kudhaqan degmada Afmadow ee gobolka jubada hoose, waxa uuna xusay in ay u ballan qaadeen in ay u guntan doonaan sii daynta masuul katirsan hay’ada Unicef.

"masuuliyiinta dowladda oo uu kamid ahaa Ra’iisul wasaare Geedi waxa ay xiriir la sameeyeen maamulka isbahaysiga dooxada jubba iyo waxgaradka ku dhaqan degmada Afmadow si loo sii daayo sarkaalkaas ka tirsan hay’ada Unicef" ayuu yiri Maareeye oo intaa raaciyay wax laga xumaado in ay tahay in afduub loo gaysto ruux ka shaqaynaya samata bixinta shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka warfaafinta ayaa intaa ku daray diyaarad deeq macaawino ah u siday dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu ku dhufteen dib u dhac in uu ku yimid, taasoo ay ugu wacan tahay afduubkii loo gaystay sarkaalkaas Maraykanka ah.

Xildhibaanada kasoo jeeda gobolka jubbada hoose oo iyagana kulan ku yeeshay magaalada Baydhabo ayaa iska dhex magacaabay guddi u ambabaxa degmada Afmadow oo horkacayo wasiirka warshadaha si ay gacan uga gaystaan sii daynta sarkaalkaas Maraykanka ah ee u shaqaynayay hay’ada Unicef, iyadoo aan laga qaadan wax madax furasho ah.


Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM