Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Dagaal qaraar oo maanta ka dhacay duleedka Muqdisho.

Waxaa Saakay aroortii Magaalada Muqdisho ka qarxay Dagaal Cusub oo udhexeeya Maleysiyooyin ukala Daacad ah Labada ganacsade ee lakala yiraahdo Bashiir raage Shiiraar iyo Xaaji Abuukar cumar cadaan iyadoo uu dagaalku sababay Qasaare isugu Jira Dhimasho,dhaawac iyo Barakac xoog leh waxeyna Maleyshiyooyinku isticmaalayaan Hub culus iyo Mid Fudud.

Dhawaaqa madaafiicda, boobayaasha culus iyo qoryaha lidka diyaaradaha ayaa laga maqlayaa deegaanada ka ag dhaw halka dagaalkaas uu ka socda oo aj Deegaanka Galgalato iyadoo ilaa iyo iminkana aan la garanayn khasaaraha ka dhashay dagaalkan oo ku bilowday si xoog leh.

Warar hordhac ah oo laga helay ilo wareed lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya weerarka saakay in ay soo qaadeen taageerayaasha Xaaji Abuukar Cumar Caddaan oo ayagu xulafo la ah maxaakimta islaamiga gobolka Banaadir, iyadoo lagu soo warramayaa in ay ka qabsadeen maleeshiyooyinka Bashiir Raage oo ka tirsan isbahaysiga ladagaalanka Argigixisada dhawr gaari oo tikniko ah iyo maleeshiyooyin iyagoo nool la qabtay .

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya dagaalku isu rogay Qaab isbaheysi oo ah Midowga Maxaakimta iyo Isbaheysiga Ladagaalanka argigixisada inkastoo aan ilaa iyo hada wax war ah kasoo bixin labada dhinacba oo la xiriira Qasaaraha uu dagaalku geystay

Dagaalkan ayaa salka ku haya dagaal 13kii bishii Janaayo ee Sanadkan ka dhacay deegaaka Galgalato oo udhaw Dekeda Ceelcade kaasoo u dhaxeeyay Maleyshiyooyinka Xaaji Abuukar iyo kuwa Bashiir Raage iyo dagaalkii dhex maray midowga maxaakimta islaamiga iyo isbahaysiga ladagaalanka argigixisada kaasoo dhacay bishii Febraayo ee sanadkan .

Dhanka kale dagaalkan saakay ka qarxay duleedka magaaalada Muqdisho ayaa sababay barakac weyn iyadoo la arkayey Gaadiidka Dadweynaha oo buuxdhaafay Markii ay soo Raaceen dad ubadan Haween iyo caruur kuwaasoo lafahooda kala cararaya Rasaasta ay isweydaarsanayaan labada dhinac ,Waxaana jira dad kale oo iyagana Cararay iyagoo cagahooda maalaya maadaama aysan heysanin Lacagtii ay Gaari ku Raaci lahaayeen ,Waxa uu Dagaalkani kusoo aaday xili ay Abaaro ka jiraan Soomaaliya.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
MOG.