|
Nin hubeysan ayaa ku diley Lix
qof Magaalada Seattle kaasi oo isaguna is diley markii dambe.
Nin hubeysan ayaa diley dad gaaraya ilaa 6 ruux meel xaflad ah oo
ka mid ah Magaalada Seattle ee gobolka Washington, Shilkani oo ka dhacey
meel xaafado dhexdood ah oo ay dad dhallinyaro ahi ku lahaayeen Xaflad gaar
ah.

war kasoo baxay Booliiska ayaa sheegaya in shilkaasi uu dhacey digniin
la'aan iyo muran la'aan taasi oo aan la garaneyn sababt kaliftey inuu
ninkaasi dilo dadkaas ka dibna uu isdilo, taliyaha Boliiska Magaalada
Seattle Chief Gil Kerlikowski ayaa sheegey in Ninkaasi uu rasaas aanu u meel
dayin ku furey dad meel Xaflada ah ku sugnaa waxaana uu sheegey inuu
socda baaritaan ku saabsan sababaha keeney dhacdadan.

Wararku waxey sheegayaan in dadka dhintey ay Da'doodu u dhaxeyso dhawr
iyo Toban ilaa dhawr iyo labaatan jir, waxaa kale oo jira tiro dad ah oo
iyaguna dhaawac ah oo mid ka mid ah uu liito laguna rakibey qalabka caawiya
dadka xaaladoodu daran tahay.
Abdifatah M. Abdinur
RSTV NEWSROOM |