|
Xiisad colaadeed oo kasoo cusboonaatay degmada Buuloburde.
Xiisad dagaal ayaa maanta mar kale ka qaraxday degmada Buuloburde ee
gobolka Hiiraan taasi oo u dhaxaysa gudoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed
Hagar Dabageed iyo gudoomiyaha degmada Buuloburde ee xoogga talada looga
tuurey ee Cabdi Iidow Sabriye .
Saakay ayaa degmada Buulo Burde laga dareemay jawi colaadeed ka dib
markii maleeshiyooyin ay kala taabacsan Dabageed iyo gudoomiyaha degmada
Buuloburde Cabdi Iidow Sabriye ay rasaas xooggan is weydaarsadeen ayadoo is
rasaaseyntaasina ay ku dhaawacmeen 5 qof oo 3 ka mid ah ay ahaayeen caruur
iskuul waalidkood uu usoo dirsaday oo rasaasta wiiftadi ahi haleeshay.
Gudoomiyihii degmada Buulo Burrde ee maamulka Buuloburde xoogga looga
qaaday Cabdi Iidow Sabriye ayaa is rasaaseyntaasi dhicitaankeeda xaqiijiyey
isagoo sheegay in ayaga guluf lagu soo qaaday laakiin ay iska caabiyeen .
Cabdi Iidow waxa uu weli ku adkeysanayaa maamulida degmada inkastoo laga
xayuubiyey waxaana haatan degmada Buuloburde ka soconaya dhaqdhaqaaq ciidan
oo labada dhinac ay wadaan ayadoo dadka deegaankana ay cabsi ka qabaan
dagaal hor leh oo dhaca.
Xiisada ka taagan degmada Buuloburde ayaa salka ku heysa muran
siyaasadeen u dhaxeeye mas’uuliyiinta gobolka Hiiraan kaasi oo ku aadan
maamul u samaynta degmadaasi.
Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
Mcadde@rstvonline.com
|