|
Marakiibta Dagaalka ee Mareykanka ee Joogta Bariga Afrika ayaa dagaal la
galey Burcad Badeed Soomaali ah
War ay soo Saareen Ciidanka Mareykanka ee Ilaaliya Xeebaha Afrika
iyo Carabta ayaa sheegaya in laba Markab oo ay leeyihiin Ciidamada NAVY-ga
dagaal kala hor tageen Maleeshiyo Soomaali ah ka dib markii Maleeshiyadu ay
Rasaas oodda kaga qaadeen Dooni yar oo ay la socdeen Askar Mareykan ah.
Af hayeen u hadley Ciidamada Mareykanka ee ku Aagaas Commander
Charlie Brown ayaa sheegey in Maraakiibta Mareykanku ay Rasaas ku
fureen Doontii ay wateen Maleeshiyadu waxaa halkaas ka dhacey Dhimasho
iyo Dhaawac soo gaarey Maleeshiyadii Soomaalida.
Sida uu Caddeeyey Mr. Brown waxaa halkaas ku dhintewy 1 qof oo ka tirsan
Maleeshiyada Soomalida 5 kalena waa dhaawac Guud ahaan waxaa halkaas ay ku
qabteen tiro gaareysa 12 maleeshiyo iyadoo kuwii dhaawacmayna lagu daweynayo
Markabka dushiisa.
Ma ahan markii ugu Horreysey ee ay isku Dhacaan Ciidanka Mareykanka iyo
Burcad Badeedda Soomaalida waxey arrintan oo kale ay dhacdey Bishii Janaayo
ee Sanadkan markaas oo ay Ciidankaasi qabteen tiro Maleeshiyo ah oo hadda ay
Maxkamad uga socota waadanka Kenya
Abdifatah M.Abdinur
RSTV NEWSROOM
Rochester, MN
|