|
Liberia ayaa ka codsatey Nigeriya in
ay u soo Gacan geliso Charles Taylor Codsigan ayaa loo gudbiyey
Madaxweynaha Nigeria ayaa lagu qeexay in Dowladda Nigeria ay soo Afjarto
Magan gelyadii ay siisey Madaxweynihii hore ee Liberia Mr. Charles Taylor.
Sida ku Cad warbixintan lagu Doonayo Taylor ayaa waxay ku eedeynaysaa inuu
Dambiyo ka geystey Waddanka Sierra Leone Maxkamad gaar ah oo Dambiyada
Dagaalka ah kana furan Sierra Leone ayaa Dooneysa inay dambi kusoo oogto Mr.
Taylor dambigaasi oo ah qeybtii ama gacantii uu siiyey koox Falaago ah oo ka
dagaalami Jirtey Waddanka Sierra Leone dad badana halkaasi ku dishey. Afhayeen u Hadley Wasaaradda
arrimaha Dibadda ee Liberia oo lagu Magacaabo Johnny McClain ayaa
warbaahinta u sheegey in haddii Nigeria ay soo celiso Charles Taylor uu si
toos ah u tagi Doono Sierra Leone si dacwadda loogu qaado. Sidoo kale
afhayeen iyana u hadashey Maxkamaddaas ka furan Sierra Leone ayaa sheegtey
in qolkii Xabsiga uu lahaa Taylor uu maran yahay oo uu isaga Sugayo.
Charles Taylor waxaa uu magan gelyo siyaasadeeed ka heley Nigeria Sanadkii
2003dii ka dib markii sidaasi ay codsadeen Dalal Badan oo uu Mareykanku ka
mid ahaa.
RSTV NEWSROOM
Minnesota, USA |