|
Bootaan oo sheegay in Baydhabo ay tagayaan haddii Muqdisho ay ka ciribtiraan
argagixisada.
Wasiirka Hubkadhigista iyo dhaqan celinta maleyshiyooyinka ee Dawlada KMG
ah ee Soomaaliya Bootaan ciise Caalim kana tirsan Raga hubeysan ee Muqdisho
kaga dhawaaqay 18kii bishan Isbaheysiga Ladagaalanka argagixisada ayaa
sheegay iney hubaan in Magaalada Muqdisho ay joogaan dad ajnabi ah oo ka
yimid Dalalka Afqaanistaan,Ciraaq iyo Meelo kale kuwaasoo xubno ka ah
ayuuyiri Wasiirka .
Mr Bootaan oo ka hadlayey waxa uqorsheysan xiligan ayaa sheegay ineysan
usuurageli karin iney dagaal ka nastaan inta ay Soomaaliya joogaan waxa uu
ugu yeeray Ajaanib Danbiilayaal ah oo kusoo dhuuntay Gudaha dalka isagoo
Culumaaudiinka ka codsaday iney ka digtoonaadaan Magangelinta Danbiilayaasha
ajnibiga ah waa siduu hadalka u dhigaye.
Wasiirka Hubkadhigista iyo dhaqancelinta Maleyshiyooyika ayaa sidoo kale
ka hadlay hawlaha sugaya Xukuumada federaalka gaara ahaan Wasaaradiisa
isagoo sheegay in Hawsha wasaaradiisu ay tahay Mid culus oo ubaahan Dhaqaale
fara badan isagoo dhaliilay qaabka ay usocoto hawsha dhaqaale looga
raadinayo Beesha Caalamka ee ka socota Magaalada Baydhabo.
Labadeyda wasiirkuxigeen ayaan ku ogahay Hawsha wasaaradeyda iyagana
Baydhabo ayey Joogaan iyaga ayaan la xiriiraa Saacad kasta,waan tegeyaa
Magaalada baydhabo hadii ay inoo dhamaato hawsha aanu Muqdisho ujoogno
ayuuyiri Bootaan Ciise oo ah Siyaasiga keliya ee loo weerara kamid
ahaanshihiisa isbaheysiga ladagaalanka argigixisada awgeed loogana dilay
taliyihii ciidankiisa
Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM |