|
Waxaa geeriyoodey Boqor Maxamuud Boqor Muuse
Waxaa
Dhawaan Geeriyoodey allaha u naxariistee Boqor Maxamuud Boqor Muuse oo
ahaa Shaqsi si weyn looga yaqaanno waddanka Soomaaliya Guud ahaan iyo gaar
ahaan Gobolada Puntland. Boqor Maxamuud wuxuu ahaa nin ay ku Dheer tahay
waddaniyadda iyo Soomaalinamada isagoo Marar Badan ka qeyb qaatey hawlo
badan oo wax tar u lahaa Ummaadda Soomaaliyeed. Sidaasi si mid ah wuxuu
Boqor Maxamuud ka qeyb qaatey dhismihii Dowlad Goboleedka Puntland iyo dib u
heshiintii Beelaha Ku Nool Guud ahaan Degaanka Soomaalida. Boqor Maxamuud
wuxuu ka qeyb galey Shirikii dibu heshiisiinta Soomaaliyeed ka dhacey Meelo
Badan. Allaha u Naxariistee Boqor Maxamuud Boqor Muuse waxaa lagu Aasi
doonaa Magaalada Qardho waxaana Aaskiisakasoo qeyb gali doona Dad badan oo
ka kala Iamaan doona Meelo kala Duwan. Allaha U naxariisto Boqor Maxamuud
Boqor Muuse. AAMIIN AAMIIN
RSTV NEWSROOM
ROCHESTER, MN |