Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Bashiir Raage iyo Muuse Suudi oo kulan albaabada ay u xiranyihiin oo xassaasi ah yeeshay.

 (Saturday July 29, 2006) Wasiirka ganacsiga dowladda fedaraalka kmg ah ee Soomaaliya Muuse Suudi Yalaxow iyo Bashiir Raagge Shiiraar oo xubno ka ah isbahaysiga soo celinta nabada iyo la dagaalanka argagixisada ayaa maanta kulan albaabada ulaabnaayeen ku yeeshay xarunta Muuse Suudi, iyadoo kulankaasna looga arrinsanayay dagaalada iminka kasocda magaalada Muqdisho ee u dhaxeeya ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Caddaan iyo isbahaysiga la dagaalanka argagixisada.

Inkastoo kulankan aan lagu casuumin saxaafada, hadana warar hoose oo laga helayo xarunta Muuse Suudi waxa ay sheegayaan raggan in ay ka tashanayeen dagaalka ay kula jiraan ganacsade Xaaji Abuukar, iyadoo maantana xarunta Muuse Suudi ay ka socdeen dhaq dhaqaaqyo xoogan iyo abaabul dagaal.

Mar maanta aan booqday xarunta Muuse Suudi oo kulankaas uu ka socday waxaa aan isku daynay waraysi in aan la yeelano labadaasi masuul ee katirsan isbahaysiga la dagaalanka argagixisada, hayeeshee labadaas masuul waxa ay diideen wax warar ah in ay bixiyaan.

Intii aanu ku jirnay booqashadii aan ku tagnay xarunta Muuse Suudi waxaanu kusoo aragnay dhowr iyo 10 gaari oo kuwa dagaalka ah oo isugu jiray gawaarida waaweyn ee dagaalka iyo kuwa yar yarka oo halkaasi kasii baxaya oo kusii jeeda jiida hore ee dagaalka, iyadoo gawaaridaasna ay la socdeen maleeshiyooyin aad u hubaysan.

Xaalada xaruntaas ay ku shirsanaayeen Muuse Suudi iyo Bashiir Raagge ayaa ahayd mid aad u kacsan oo ay hareeyeen buuq iyo dhaq dhaqaaqyo xoogan oo loogu jiro abaabul dagaal, iyadoo ilinka xaruntaasina ay mashquuliyeen gawaari soo galaysa iyo mid ka baxaysa, taasoo dhiillo colaadeed ay ka muuqatay.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM

MOGADISHU