Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta go'aano soo saaray.

Kulanii maanta xubnaha baarlamaanka kmg ah ee Soomaaliya ay ku yeesheen magaalada Baydhabo ayay kasoo saareen go’aano wax ku ool oo la taaban karo ayadoo cod buuxa ku ansixiyey gudiyada baarlamaanka uu yeelan lahaa.

Xubnaha baarlamaanka ayaa isku raacay in baarlamaanka uu yeesho 14 guddi halka markii hore xeerka baarlamaaka uu qabay in barlaamnka uu yeesho 10 guddi.

Gudiyada mudanayaasha baarlamaanka ay isku raaceen ayaa waxaa soo gudbiyey guddi garyaqaano oo horey gudoomiyaha baarlamaanka uu u magacaabay waxaana gudiyadan ay kala yihiin:

1)Gudiga Dastuurka iyo arimaha federaalka, 2) Gudiga cadaalada, Garsoorka iyo arimaha diinta, 3) Gudiga arrimaha nabadgalyada iyo difaaca,4) Gudiga maaliyadda iyo miisaaniyada, 5) Gudiga dhaqaalaha, Ganacsiga iyo warshadaha 6)Gudiga arimaha bulshada iyo dhowrista Bey'ada,7) Gudiga xuquuqul insaanka iyo arimaha haweenka, caruurta iyo arrimaha qoyska,8) gudiga warfaafinta, 9)wacyi galinta hidaha iyo dhaqanka, 10) gudiga Dib u heshiisiinta, guddiga hub kadhigista iyo dhaqan celinta,11) guddiga cilmiga, tiknoolajiyada iyo isgaarsiinta, 12)guddiga dib udhiska iyo dib u dejinta, 13)guddiga xiriirka caalamiga, arrimaha gobolka, jaaliyadaha iyo qaxootiga, 14) guddiga hubinta anshaxa iyo ilaalinta hantida qaranka, iyadoo guddi kastana uu iska dhex dooran doono gudoomiye, gudoomiye kuxigeen iyo xoghaye.

Waxaana gudiyadan o dhami ay yeelan doonaan gudoomiyaal iyo gudoomiye ku xigeeno ayadoo guddi kasta ay yeelananyo xubno taqasus u leh waxyaabaha gudigaasi uu u xilsaaran yahay.

Xubnaha baarlamaanka ayaa waxaa lagu wargeliyey in maalinta axada ee soo socota ay dib ugu soo laabtaan ayadoo gudoomiyaha baarlamaanka uu u sheegay xubnaha xildhibaanada ee wax tabanaya la qancin doono.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM