Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Bare Hirale iyo Col Cabdi Cigal oo maanta heshiis ku gaaray magaalada Kismayo.

Magaalada Kismaayo waxaa maanta ka dhacay kulan ay soo qaban qaabiyeen odayaasha dhaqanka beelaha ay kasoo jeedaaan wasiirka dib u dhiska iyo dib u dejinta iyo Col. Cabdi Cigaal oo horay ugu dagaalamay gudaha magaalada Kismaayo ayaa maanta lagu soo afjaray qilaafkii u dhaxeeyay labada dhinac iyadoo kulankaasina si fool ka fool ah ay isu soo horfariisteen dhamaan masuuliyiinta isbahaysiga dooxada jubba iyo Col. Cabdi Cigaal Jaamac.

Kulankii maanta ayaa waxa labada dhinac ay ku kala saxiixideen heshiis ka kooban 5 qodob oo gun dhig u noqon doono heshiis dhex mara labada dhinac, waxaana ka mid ah qodobadaas in laga qeyb geliyo beesha Col. Cabdi Cigaal uu kasoo jeedo maamulka isbahaysiga dooxada jubba, maliishiyooyinka ka amar qaata koorneelka in lagu daro ciidamada isbahaysiga iyo isbahaysiga in uu bixiyo magta dhamaan dadkii ku geeriyooday dagaalkii ka qarxay magaalada Kismayo 15-kii bishii January ee tagtay ee dhex maray maliishiyooyinka kala taabacsansaa isbahaysiga dooxada jubba iyo Col. Cabdi Cigaal.

Gaba gabadii kulankaas waxaa ka hadlay Col. Cabdi Cigaal oo muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay heshiiskii ay kala saxiixdeen labada dhinac waxa uuna yiri"maanta meeshan waraaaqad baan ku saxiixnay, qodabada ku qoran dhowr ayaan isku afgaranay, qodobadaas la qoray qeybtii ugu badnayd waa la keenay, waana baxday, waxa dhiman insha’ Allaah waxaan ku heshiinay dib in laga keeni doono, waxaan Allaah ka rajaynaynaa sidaan nabada u wada qaadanay in uu nooga dhabeeyo, nabad ayaana qaadanay oo aan ku badalnay dagaalkyagii".

Waxaa sidoo kalekulankaasi ka hadlay wasiirka dib u dhiska iyo dib u dejinta Barre Aadan Shire Hiiraale oo ku guubaabiyay labada dhinac in aan dib loogu noqon dagaal danbe waxa uuna yiri "ilaahay baan idinku dhaarshaye dhibkaasi maanta aan ka heshiinay oo xaanshiyahan ka saxiixanay dib ha noogi celinina, oo yaanan maskax ugu noqon, oo caqli ugu noqonm, oo talo ugu noqon, oo xoog ugu noqon, oo maal ugu noqon, ilaahay baan idinku dhaarshee" isagoo intaasi ku daray "waxaanu nahay isbahaysi, isbahaysiga raggii madaxda u ahaa, oo ciidamada u ahaa, oo odayaasha u ahaa ee ugu fir fircoonaa weeye ragga kan".

Kulankii maanta ay ku heshiiyeen labada dhinac ee ku dagaalamay Kismayo ayaa waxa uu soo afjaray kala dhantaalkii ku yimid isbahaysiga, iyadoo heshiiskanina ay soo dhaweeyeen dadka ku dhaqan magaalada Kismaayo oo ay saameyn daran uu ku yeesheen dagaalkii ka dhacay magaalada Kismayo ee dhex maray maliishiyooyinka isbahaysiga dooxada jubba iyo kuwa Col. Cabdi Cigaal oo mar ahaan jiray taliyaha ciidamada isbahaysiga dooxada jubba.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM