|
Golaha baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyey Guddi hoosaadyada
Barlamanka.
Xubnaha baarlamaanka kmg ah ee Soomaaliya oo maanta kalfadhigii ay
lahaayeen dib uga bilowday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa si
weyn isula falanqeeyey ugana dooday dhisida gudiyada hoose ee golaha
baarlamaanka waxaana kalfadhigii maanta lagu lafa gurey qorshe uu soo
bandhigay gudoomiyaha baarlamaanka oo ahaa in la kordhiyo gudiyada
baarlamaanka.
Dood dheer ka dib ayaa xubnaha baarlamaanka waxaa uu gudoomiyaha
baarlamaanka u jeediyey in cod gacan taag ah ay u qaadeen arinta la xariirta
kordhinta gudi hoosaadyada golaha baarlaamnka waxaana arintaai haa ugu
codeeyey xildhibaanado 200 gaaraya ayadoo 4 ay diideen labana ay ka aamuseen.
Guddi ka kooban 5 garyaqaan ayay xubnaha baarlamaanka ee maanta shirey u
wakiisheen in ay soo dhisaaan isla markaana ay kasoo baaraandagaan gudiyada
baarlaamnka waxaana garyaqaanadaasi ka mid ahaa Xasan Dhimbi Warsame.
Warar hoose ayaa sheegaya in xubnaha baarlamaanka ay isku raacay in
gudiyada ay xubno ka noqdaan oo kaliya xubnaha ku jira golayaasha wasiirada
iyo baarlamaanka.
Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa lagu soo waramayaa in uu kulanka
baarlamaanka dib u dhigay illaa iyo maalinta arbacada ah sida ay sheegayaan
wararka ka imanaya Baydhabo waxaana la filayaa in xubnaha baarlamaanka ay
sii wadaan ka doodida mooshinada marka maalinta arbacada ay dib isugu soo
laabtaan.
Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
MOGADISHU
|