|
Gudoomiyaha baarlamaanka oo qado u sameeyey mudanayaasha baarlamaanka.
Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta
magaalada Baydhabo ugu sameeyay qado sharaf hogaamiyaasha ugu sar sareysa
dowlada iyo xildhibaanada baarlamaanka federaalka kmg ah ee ku sugan
magaalada Baydhabo.
Qado sharftaan oo ka dhacday dugsiga hoose dhexe iyo sare ee Baydhabo
Model School ayaa waxa isugu yimid in ka badan 220 mudane, madaxweynaha iyo
ra'isulwasaaraha Soomaalyia iyo marti sharaf kale oo aad u tiro badan.
Gudoomiyaha baarlamanka oo ka hadlay kulankaasi ayaa waxa uu sheegay in
kulankaasi uu yahay is arag, maalinta berri ahna uu si rasmi ah u furmayo
kalfadhiga baarlamanka oo 26 kii bishaan furmay.
Gudoomiyaha baarlamanka federaalka Soomaaliya oo saxaafada ay wax ka
weydiisay ajendaha ugu weyn ee maalinta bari lagu jeexjeexi doono kulaka
baarlamaanka ayaa sheegay in Baarlaanka uu ka doodi doono sidii gudiyada
baarlamanka loo dhisi lahaa, isagoo tilmaamay in marka ay dhamaato howshaasi
loo sii gudbi doono waajibaadka kale ee horyaala xubnaha baarlamanka.
Kulankaan qado sharafta ah ayaa waxaa hadalo kala duwan ka jeediyey
madaxweynaha,gudoomiyaha baarlamaanka, ra'isulwasaaraha iyo xubno dhowr ah
Madaxweynaha dowlada kmg ah ee Soomaaliya oo qado sharaftii maanta hadal
ka jeediyey ayaa sheegay inuu soo dhamaaday qilaaf ka dhex jiray xubnaha
dowlada kmg ah ee Soomaaliya waxaana uu dalbaday in waxyaabaha la kala
tabanayo lagu xaliyo qaab sharci ah isagoo xusay in haatan wixii ka danbeeya
lagu kala bixi doono aqlabiyada golaha baarlamaanka.
Madaxweynuhu waxa uu uga mahad celiyey xubnaha labada gole dadaal
ballaarnaa ee ay u galeen xal u helida qilaafaadkii ka dhex jiray.
Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
|