|
Baarlamaanka Puntland oo cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Guddoomiyaha
maxkamadda sare iyo xeer ilaaliyaha Guud ee Maamulka Puntland.
Wararka Naga soo gaarayo Magaalada garowe ee xarunta maamul Goboleedka
Puntland ayaa sheegaya in Baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland ay mar
kale maanta isugu soo laabteen kal fadhigoodii uga soconayay magaalada
Garoowe ee Xarunta Maamul Goboleedka Puntland.
Waxaa la horkeenay Maanta Barlamaanka Mawshino fara badan oo laga
doonayay in ay ansixiyaan waxaana uguweynaa golaha garsoorka Puntland ee uu
dhawaantan magacaabay madaxwaynaha Maamulkaasi.
Xildhibaanno Dhowr ah oo gaarayay 55 ayaa maanta soo xaadiray hoolka
shirarka ee Kalfadhiga baarlamaanka uu ka dhacayay, waxayna cod u qaadeen
guddomiyaha maxkamadda sare iyo xeer ilaaliyaha waxaana ugu dambeyntii ay
cod buuxa ku ansixiyeen.
Xilliga la ansinayay Xeer ilaaliyaha ayaa kahor inta aan la ansixinin
waxaa halkaasi laga aqriyay Taariikh Nololeedkooda waxaana kadib markii la
ansixiyay loogu hambalyeeyay shaqadooda, Maalintii shalay ayay aheyd ku kala
dareeray ansixinta xeer ilaaliyaha Puntland iyo guddoomiyaha maxkamadda sare
oo la hor keenay
Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
|