|
C/laahi
Yuusuf oo maanta dib ugu soo laabtay Baydhabo.
Madaxweynaha dowladda FS iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa kasoo dagay
duhurnimadii maanta garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo e xarunta
gobolka Bay ayagoo kasoo dhaqaaqay magaalada Nairobi ee xarunta dalka oo ay
kaga soo qeyb galeen shirkii hogaamiyeyaasha wadamada ku bahoobay ururu
goboleedka IGAD.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka
diyaaradaha ee magaalada Baydhabo iyo gudaha magaalada waxaana madaxweynaha
loo soo gudbiyey guriga uu ka degan yahay magaalada isagoo diiday in wax
hadal ah uu siiyo saxaafada.
C/laahi Yuusuf Axmed Madaxweynaha Somaliya ayaa maalintii shalay ahayd
kaga qeybgalay magaalada Nairobi kulan ay lahaayeen madaxda ururka .
Kulankii madaxweynaha uu ka qeyb galay ayaa laga soo saaray war murtiyeed
ugu yeeraya qaramada midoibay in ay qaaddo cunaqabatada dhanka hubka ah ee
saaran wadanka Soomaaliya si ciidanka afrikanka ah ee Soomaaliya imanaya
hubkooda ay dalka ula soo galaan.
Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
MOGADISHU
|