|
Burcadda Xarardheere oo shaacisay magacyada maleeshiyooyinkii
mareykanku ay qabteen.
Todobaadkan hornaatiisa ciidamada Amerikanka ee ku sugan geeska afrika
waxa ay gacanta ku dhigeen dooni ay wateen burcad badeed Soomaali ah ayado
burcadaasi loo qaaday saldhiga Mareykanka uu bariga dhexe ku leeyahay ayadoo
haatan aan war laga hayn halka ay ku danbeeyaan dhalinyaradii burcadda ahayd
ee mareykanka ay qabteen.
War laga soo saaray xafiiska burcad badeeda Soomaaliya ay ku leeyihiin
deegaanka xarardheere ayaa lagu soo gudbiyey magacyada dhalinyaradii
Mareykanku u qabtay ayadoo bayaankaasi lagu sheegay in dhalinyaradaasi ay
ahaayeen ilaalada xeebaha dhexe ee Soomaaliya waxaana magacyadooda ay kala
ahaayeen sidan.
1. Xuseen Nuur Cali (Koombilow)
2.C/raxmaan Macalin C/laahi. (Diwaan)
3. Max'uud Cabdi Faatax (Faata)
4.Liibaan Cabdi Cali (Gurud)
5.Muqtaar Dabacadde
6. Max'ed Muuse Max'ed (Atoore)
7. Xasan Max'uud Axmed (Xasan Shurbuqle)
8. Muumin Labaale
9. Cawil Max'ed Max'uud
10. Salaad Max'ed Jaamac (Dhagoole)
Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
|