|
Madaxweynaha
Soomalaiya oo ku sii jeeda Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.
Wararka aanu ka heleyno magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in
madaxweynaha Soomaliya Mudane Abdullahi Yusuf uu isu diyaarinayo
socdaal uu ku tagayo magaalada Nairobi. wararku waxay tibaaxayaan in
madaxweynuhu uu ku Biiri doono Guddoomiyaha baarlamaanka mudane Shariif
Xasan iyo Ra'iisal wasaaraha Dowladda Federaalka oo iyagu haatan ku sugan
dalka Kenya waxaa kale oo halkaasi jooga xubno ka tirsan Golayaasha Dowladda.
waxaa la filayaa marka uu Madaxweynuhu gaaro Nairobi in ay jiri doonaan
wadahadallo dhexmari doona isaga iyo Madaxda kale ee sii joogey dalka Kenya
ee uu ka mid yahay Guddoomiye Shariif iyo R/wasare Geeddi waxaana lagu wadaa
in halkaasi lagu qabto kulan weyn oo lagu marti qaadi doono wakiilada Beesha
Caalamka ee jooga Nairobi intooda badan.
Si kastaba ha ahaatee waxaa soo baxaya Ifafaale muujineya inuu dhamaanayo
Khilaafkii soo Jiitamayey ee u dhexeeyey Hoggaanka sare ee Dowladda
Federaalka Soomaaliya taasi na ay u horseedi doonto Dadka Soomaaliyeed
iney Helaan dowlad soo celisa Amaankii iyo kal dambeyntii.
Muqtar Axmed Maxamud
RSTVONLINE |