Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Madaxweynaha Soomaaliya oo Nairobi gaaray kulanna kula qaatay Geeddi iyo Shariifka .

Madaxweynaha dawlada federaalka KMG ah ee Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta duhrnimadii ka dagay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

wafdigii madaxweynaha waxaa magaalada nairobi kaga sii horeeyey wufuud kale oo ay hogaaminayeen ra'isulwasaaraha xukuumada federaalka Cali Maxamed Geedi iyo afhayeenka barlamaanka kuwaasi oo madaxweynaha si weyn ugu soo dhaweeyey magaalada Nairobi.

Wararkii ugu danbeeyey ee aynu ka helnay magaalada Nmairobi ayaa sheegaya iin madaxweynaha ,gudoomiyaha barlamaanka iyo ra'isulwasaaraha ay kulan dheer oo irdaha ay u laabnayeen ku yeesheen aqalka madaxweynaha Soomaaliya uu ku leeyahay magaalada Nairobi.

Kulankan ay yeesheen seddaxda mas'uul ee ugu sareysa dawlada federaalka ah ayaan la shaacin waxyaabihii lagu soo qaaday iyo waxyaabihii kasoo baxay laakiin warar soo baxaya ayaa sheegaya in seddaxda mas'uul ay ka wada hadleen arimo ay ugu horeeyeen sidii meel qura la isugu keeni lahaa xubnaha labada gole ee dowlada federaalka kmg ah ee Soomaaliya.

Kulanka ay yeesheen mas'uuliyiintan ayaa kusoo beegmaya xili shacabka ay danaynayaan in la meel mariyo heshiiskii madaxweynaha iyo gudoomiyaha ay ku gaareen magaalada Cadan ee wadanka yaman.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxa ay booqasho ku joogeen wadanka Itoobiya halkasi oo ay kulamo kula qaaten ra'isulwasaaraha wadankaasi iyo mas'uuliyiin xukuumada Itobiya ka tirsan.

Maxamed Cadde.