|
Madaxweynayaasha wadamada ku jira
ururka Au oo qodobo kasoo saaray arimaha Soomaaliya.
Magaalada Khartoum ee xarunta wadanka Sudan waxaa maalintii shalay ahayd
si rasmi ah uga bilowday shir ay isugu yimaadeen madaxda 53 dal oo Afrikaan
ah oo Soomaaliya ay ka mid tahay.
Dawladda Soomaaliya waxaa shirkaasi uga qaybgalay wafdi uu hogaaminayey
madaxwaynaha dawlada federaalka KMG ah Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed oo uu
ka mid yahay wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil
,Gamca dheere wasiirka horumarinta reer miyiga iyo wasiirka difaaca C/raxman
Maxamed Cali.
Shirka oo looga hadlay xaalada Afrika, sannadkii tagay iyo wixii kusoo
kordhay,ayaa waxaa sannadkan si xoogan shirku uga hadlay amuuraha Soomaaliya
oo ay tilaamaameen in sidii la rabay aan wax loola qaban Soomaaliya.
Dhowr madaxwayne ayaa si kulul uga hadlay xaalada Soomaaliya iyagoo ku
cel celiyay in Soomaaliya la taageero.
Shirka madaxda Afrika waxuu ugu dambayntii ka soo saaray amuuraha
Soomaaliya baaq todobo qodob ka kooban oo u qorna sida tan:
Ururka midowga afrika ee (AU) wuxuu soo dhaweeyay heshiiskii ay ku
gaareen madaxwaynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed iyo guddoomiyaha
baarlamaanka Shariif Xasan 5th January 2006 magaalada Cadan ee wadanka
Yaman , heshiiskaasi oo dhiiri galinaya in xubnaha dawlada ay sida wada jir
ah u wada shaqeeyaan isla markaana ay gaaraan natiijadii shirkii wadanka
Kenya oo ah in la helo dawlad shaqaysa oo maamusha umuuraha wadanka
Soomaaliya.
Ciidamo nabad ilaalineed oo ka socda ururka IGAD oo helayo taageerada
AU in loo diro Soomaaliya ayadoo qaramada midoobayna laga dalbanayo in
xayiraada hubka Soomaaliya ay ka qaaddo.
Iskaashi ballaaran inuu dhex maro IGAD,AU iyo dawlada federaalka KMG
ah ee Soomaaliya kaasi oo ku saabsan nabad ka islaaxinta wadanka
Soomaaliya..
in maxkamad lasoo taago kuwa caadeystay daadinta dhiiga maatida si
tusaale ay ugu noqotay kuwa iminka ku talada jira in dad ay laayaan ayadoo
cambaareyn dusha looga tuuray kuwa carqaladayna nabad kusoo dabaalida
wadanka Soomaaliya
In beesha caalamka au kordhiso taageerada ay siinayso dawlada
federaalka si xukumada ay ugu guuleysato taaba gelinta howlaha shacabka uu
uga fadhiyo.
Midowga afrika inuu u istaago sidii dawlada federaalka ay u heli
lahayd kaalmada beesha caalamka.
midow afrika inuu sare u qaado howlaha uu ka fulinayo Soomaaliya
isagoo adeegsanaya xafiiskiisa magaalada Jowhar.
In midowga afrika gaar ahaan IGAD uu dedejiyo howlaha uu amaanka dib
ugu soo celinayo wadanka Soomaaliya.
Bayaankan kasoo baxay shir madaxeedka lixaad ee AU-da ayaa ah mid
shacabka Soomaaliyeed inta badan ay wada dhawrayeen ayadoo shacabka uu
haatan rajaynayo in ciidamo lasoo diri doono ay noqdaan kuwa ku guuleysta
amaan kusoo dabaalida wadanka Soomaaliya.
Maxamed Cadde
RSTVonline.com
|