| Gudd,
Gob.Sh/ Dhexe Maxamed dheere ayaa ku sii jeeda Jowhar ka dib Markii uu
dhameystey Socdaal uu ku Joogey Kenya wararka ka imaanaya Caasimadda
Kenya ee Nairoobi ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe
Maxamed Cumar Xabeeb M/dheere uu dib ugu Laaban doono Magaalada Jowhar oo
xarun u ah Maamulka Sh.Dhexe ee uu isagu madaxda u yahay ka dib markii uu
dhameystey Socdaal dhawr maalmood Qaatey uu ku tagay waddanka Kenya.
Ujeedada Socdaalka Guddoomiyaha lama Sheegin waxa ay ku saabsan tahay hase
yeeshee wararka soo baxaya dad ku dhowdhow Maamulka Shabeelaha Dhexe ayaa
waxay sheegayaan in Maxamed dheere uu Nairobi kula kulmey Sarakiil ka
socotey waddamada Reer Galbeedka iyagoo ka wada hadley horumarinta Maamulka
gobolka Shabeelaha Dhexe ee dhinacyada Nabad gelyada iyo dhaqaalaha. Maxamed
dheere intii uu halkaasi joogey waxa ay is arkeen oo kale madax ka
socotey waddanka Shiinaha oo safiirkoodu uu maalmo ka hor Booqdey Magaalada
Jowhar waxayna Madaxdaas ka wada hadleen sidii ay dawladda Shiinuhu wax uga
qanban lahayd horumarinta gobolkaas oo ay horey Dawladda Shiinuhu uga
shaqeyn jirtey sanadihii 80meeyadii. Nabad iyo Xasilooni ayaa ka
jirtay Gobolka Shabeelaha dhexe tan iyo intii uu Maamulkiisa qabtey
Mudane Maxamed Dheere Sanadkii 1999kii kaasi oo ay doorteen waxgaradka
degaankaasi si uu wax uga qabto guud ahaan Gobolka Sh/dhexe Nabadgalyadiisa
iyo horumarintiisaba. Maxamed Xuseen Xaaji
RSTV Indiana USA |