|
Madaxwenaha Somalia Cabdulahi Yuusuf iyo wasiirka Amniga Qaranka Maxamed
Qanyare oo kulan ku Yeeshey Nairobi. Wararka kasoo baxaya
Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya
Mud.Cabdullahi Yusuf iyo Wasiirka Amaanka Mud. Maxamed Qanyare ay yeesheen
Kulan Saacado Qaatey kulankaasi oo ka dhacey Guriga Madaxweyanuhu uu ka
deggan yahay Magaalada Nairobi. ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in
labada nin ay isku afgarteen waxyaabo badan oo ay hore ugu kala duwanaayeen,
arrimaha ay isla garteen ilaa hadda lama faahfaahinin hase yeshee waxaa la
sheegay inay ka mid tahay in la iska iloobo kala duwanaantii u dhaxeysey
bilihii la soo dhaafey iyo hadda wixii ka dambeeya hal jiho loo dhaqaaqo si
dalka loogu horseedo nidaam dowladeed oo u adeega umadda Soomaaliyeed .
sida dad badani xusuusan yihiin Maxamed Qanyare Afrax wuxuu ahaa mid ka mid
ah dadkii horseedka ka ahaa Khilaafkii Naafeeyey Dowladdii lagu soo dhisey
Dalka Kenya isagoo ahaa waliba nin hadallo kulul mar walba kala horyimaada
Madaxweynaha iyo Ra'iisal wasaaraha oo iyagu doonayey in Dawladdu kusii
nagaato Jowhar inta Muqdisho ay noqonayso meel ku habboon in Dowladdu ku
shaqeyso.
RSTV NEWSROOM |