Dhaqtarkan oo lagu magacaabo Dr. Cabdi Cali oo ay soo xiganysay News 24
ayaa sheegay in xaalad dawo la'aaneed oo aad u daran ay ka jirto isbitalka
weyn ee magaalada Kismaayo.
" ma heysano dawooyin nagu filan ,iyadoo sidoo kalana aanu heysanin qalab
caafimaad oo aan u adeegsano badbaadinta dadka dhaawacyada culus qaba" ayuu
yiri dr Cabdi Cali oo intaana ku daray in inta badan hey'adaha gargaarku ay
isaga bexeen gobalka sababo la xiriira qataraha dhinaca ammaanka ah ee jira.
Dhaqtarta ayaa sheegay in dagaalkii kismaayo ka dhacay todobaadkan ay
sababeen geerida ugu yarantii 16 ruux iyo dhaawacyo soo gaaray in ka badan
47 kale ,laakin waxaa uu ka dhawaajiyay in suuragal ay tahay tirada
dhimashadu in ay sii badato saacad kasta oo ina soo aadan.
Sababta kororka tirada dhimashada ayaa dhaqtarku waxa uu sheegay in ay
tahay dad badan oo baadiyaha u cararay iyagoo dhaawacyo qaba iyo kuwa kale
oo ay rasaastu ugu tagtay duleedyada magaalada ,kuwaasoo ay suuragal tahay
in ay dhaawacyo halis ah oo aan daweyn helin u geriyoodan.
Dagaaladii ka dhacay magaalada Kismaayo oo hakad ku jira ayaa wali aan
loo helin xal rasmi ah sababihii dhaliyay ,mana muuqato wali wada hadallo la
taaban karo oo ku aadan sidii xal arrintaa ku adan loo heli lahaa.
Maxamed Cadde.