Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Madaxweynaha Kenya oo baaq u jeediyey hogaamiyaasha dowlada Soomaaliya.

Madaxweynaha wadanka Kenya Muwai Kipaki ayaaqado sharaf ugu qabtay aqalka madaxtooyada ee magaalada Nairobi uu ku qabtey madaxweynaha wadanka Somalia ee kmg ah C/laahi Yuusuf Axmed iyo gudoomiyaha baarlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Labadan mas'uul ayaa madaxweynaha wadanka Kenya uga warbixiyey heshiikii ay cadan ku gaareen ayago u sheegay madaxweynaha Kenya in ay meel iska dhigayaan qilaafkii halkos ano ragaadiyey wax qabadkii dawlada federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Somalia C/laahi Yuusuf Axmed iyo gudoomiyaha baarlamanka ayaa waxa ay ugu baaqeen xubnaha labada gole in ay u istaagaan sidii loo mideyn lahaa garabyada dawlada iypo qaranka guud ahaan.

madaxweynaha wadanka Kenya ayaa yiri " Maadaama iminka aad meel wanaagsan isla gaarteen, mahan in aad u ogolaataan qilaafka shaqsiyadeed in uu ka hor maro nabadda Somalia ,talo ahaana waxaan idin so jeedinayaa ka gudbida qilaafka siyaasadeed ".hadalkan ayuu madaxweynaha Kenya ku yiri madaxda sar sare ee dowlada ee madaxweynaha,gudoomiyaha barlamaanka iyo ra'isulwasaaraha.

dawlada Kenya ayaa balanqaaday in wixii karaankeeda ah ay ka qadanayso taabo gelinta dawlada federaalka kmg ah ee Soomaaliya.

Madaxda sar sare ee dawlada federaalka ee seddaxda ah ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed qadadaasi ka dib in ay istaagaan sidii dib loogu soo celin lahaa nidaamka iyo kala danbeynta ayagoo shacabka u balan qaaday in haddii ay yihiin madaxdii dawladsa ay ka gudbeen wixii qilaaf ah ee ka dhaxeeyey iminkana ay ka wada shaqeynayaan danta guud ee shacabka.

Maxamed Cadde.