Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Dawlada Kenya oo raalli gelin ka bixisay hor istaagii lagu sameeyey Maxamed Qanyare.

Warbixin maanta laga soo saaray waaxda socdaalka dalka Kenya ayaa lagu tibaaxay sida dawlada Kenya ay uga xuntahay raalli gelinnan ay uga bixinayso xayiraadii garoonka Wilsom Airport lagula dhaqaaqay wasiirka amniga qaranka dawlada federaalka KMG ah ee Soomaaliya Maxamed qanyare Afrax xili wasiirku uu ka dagayey magaalada nairobi.

Dawlada kenya ayaa carabaabtay in falkii ay ku kaceen qaar ka mid ah saraakiisha waaxda socdaalka uu ahaa fal aan laga fiirsan ,dawladauna ay raali ge;lin buuxda u direyso wasiirka amniga qaranka.

Maxamed Qanyare Afrax iyo wafdi la socday ayaa maalintii Khamiistiiwaxaa muddo 40 daqiiqo ah ay saraakiisha waaxda socdaalka ku xayireen garoonka dayaaradaha caalamiga ah ee Wilson Airport ayagoo amar ku siiyey in dayaarada aanu kasoo dagin inta saraakiisha sar sare ay fasax kasoo weydiinayaan.

Maxamed Qanyare ayaan ka hadlin hor istaagii ay ku sameeyeen saraakiisha waaxda socdaalka kenya ayadoo arinta lagu xayiray Qanyare la sheegay in ay kasoo baxday xafiiska ra'isulwasaaraha Soomaaliya..

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM