Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Wadamada Jabuuti iyo Soomaaliya oo heshiis iskaashi wada saxiixday.

Wasiirada arrimaha dibadda ee wadamada Jabuuti iyo Somalia ayaa shalay wadanka Jabuuti ku kala saxiixday heshiis dhanka iskaashiga ah.

Heshiiskaan iskaashi ah ee ay kala saxiideen Somalia iyo Jabuuti ayaa shalay galinkii dambe waxa uu ka dhacay xarunta wasaarada arimaha dibadda ee wadanka Jabuuti ee magaalada xarunta ah ee jabuuti.

Ayadoo waxyaabihii lagu heshiishay aan wali wax faahfaahin ah laga bixin ayaa hadana waxaa la sheegayaa inuu la xiriiro dhinacyada la dagaalanka argagixisada iyo kaalinta Jabuuti ay amaan kusoo dabaalida wadanka Soomaaliya ee dagaalada sokeeye ay halakeeyeen.

Heshiiskan ayaa labada dowladood waxaa u kala saxiixay wasiiradooda arrimaha dibada ee C/laahi Sheekh Ismacil oo dhanka Soomaaliya ah iyo Maxamud cali Yuusuf oo dhanka Jabuuti ah,waxaana heshiiskooda uu kusoo beegmayaa xili ciidamada mareykanka ee Jabuuti ay bilaabeen in howl galo ka dhan ah argagixisada ay Soomaaliya ka bilaabeen.

Maxamed Cadde.

RSTV,Muqdisho.