Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Qodobada Heshiiskii ay kala sixiixdeen Madaxweynaha iyo Gudd. Barlamaanka Soomaalieed

Xafladdii  lagu qabtay magaalada Cadan ee dalka Yamen ayaa lagu soo bandhigay heshiis ka kooban shan qodob oo ay isla gaareen Mweynaha Somaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Shariif Xasan Sheekh. heshiiskan oo qodobada uu ka kooban yahay aaney wada caddeyn isla markaana u baahan faahfaahin iuo qeexitaan cad ayaa waxaa ka mid ah:

1. In laga gudbo waxyaabihii dhaliyay khilaafyaddii hore oo dhibato badan abuurey in masuuliyiinta dawladda iyo baarlamaanku waajibkooda fushadaan.

2. Labada mas'uul  waxay isla garteen in sida uu yahay loo ilaaliyo looguna dhaqmo dastuurka iyo axdiga u yaalla  dawladda Soomaaliya.

3. In muddo  30 maalmood gudahood ah ay ku kulmaan baarlamaanka Soomaaliya meel ka mid ah gudaha waddanka Soomaaliya.

4. Masuuliyiintu waxay isla ku heshiiyeen  inay dhiirigaliyaan sidii ay dhinacyada kala duwan ee dawladdu ay heshiiskan u dhaqan galin lahaayeen iyagoo ka baxaya khilaafka micno la'aanta ha ee curyaamiyay waxqabadkii iyo hawlihii dowladda.
 

 5. Madaxweynaha iyo Guddoomiyuhu waxay ka dalbadeen i beesha caalamku in ay taageerto kulanka ay baarlamaanku ku yeelan doonaan meel ka mid magaalooyinka Somaliya.
 

Heshiiskan oo ay dadka Soomaaliyeed intooda badani ay soo dhaweeyeen ayaan la ogayn in hogaamiyayaasha hubeysani ay siduu yahay u fulinayaan iyadoo ilaa iyo hadda aaney war ka soo saarin kooxahaasi marka laga reebo Garabka Dowladda ee fadhiya Jowhar oo iyagu si weyn usoo dhaweeyey kuna tilmaamey mid taariikhi ah.

Halkan ka akhri heshiiska oo af-ingriis ah

 

Muqtaar Ahmed Katiitow

muqtar@rstvonline.com