Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

waxaa maanta la sugayaa heshiiskii Madaxda Sare ee Soomaalida ee ku shirsanaa Sanca Yemen.

Sida Maalmahanba warbaahinta lagala Socday waxaa Shir ku lahaa Magaalada Sanca ee waddanka Yemen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Cabdulahi Yusuf iyo Shariif Xasan oo uu in Muddo ah Khilaaf weyni soo kala dhexgaley.

labadaas Mas'uul waxay bishii Jun ee 2005 ku kulmeen isla magaalada Sanca iyadoo aan wax heshiis ah laga Gaarin wadahadalkoodii ayaana lagu kala tagey iyadoo uu midba midka kale ku eedeynayo Natiijo la'aantii shirkaasi.

Haddaba markale ayuu Madaxweynaha Yemen isku dayey inuu isa soo horfariisiyo labada Nin isagoo rajeynaya inay bal wax uun isla ogolaadaan. taasi waxay horseedday wadahal ka rajo wanaagsan kii hore iyadoo masuuliyiinta Soomalidu ay Muujiyeen isu soo dhawaansho iyo isfaham wanaagsan waxaana la xaqiijiyey inay Gaareen Heshiis Buuxa kaasi oo la filayo In lagu dhawaqo qodobadii heshiiskaas Maanta oo Khamiis ah.

waxaana aynu wada sugeynaa warka ku saabsan heshiiskaa buuxa oo la filayo inuu soo afjaro khilaafkii curyaamiyey waxqabadkii dowladii lagu soo dhisey Kenya.

 

RSTVNEWS ROOM