Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Beelaha Mudug iyo Galgaduud ku diriraya oo maanta heshiis kala saxiixday.

Waxgaradka iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda beelaha Sacad iyo Saleebaan ee ku dagaalamaya gobolada Mudug iyo Galgaduud kuna sugan magaalada Muqdisho ayaa maanta heshiis buuxa oo rasmi ah ku kala saxiixday magaalada Muqdisho .

Guddi ka kooban 10 ruux ayaa waxa ay go'aamiyeen marka hore in xabad joojin si shuruud la'aan ah lagu fuliyo, ka dibna la kala qaado ciidamada iyo Tiknikada, lana kala geeyo goobaha loo cayimay oo kala ah qeybta bari Wisil iyo Qosoltire, Qeybta qorax u dhac ayaa waxaa la kala geynayaa Bandiiradleey iyo Cadaado, iyadoo qodbka 3-aad uu yahay in la helo Kormeer ka madax banaan labada beelood ayadoo lala tashanayo wax garadka labada beel.

Heshiiskan maanta Muqdisho ay ku gaareen odayaasha labada beelood ee sacad iyo saleebaan ayaa waxa uu ku baaqayaa in muddo 3 bilood gudahood ah lagu qabto kulan la isku soo hor fadhiisinayo labada beelood.

Odayaasha labada beel ayaa ku heshiiyey in wixii maanta ka bilowda aanay dhicci karin xad gudub ay isku sameeyaan labada dhinac cidii xad gudub samaysana laga qaado tallaabo waafaqsan shareecada islaamka laguna ganaaxo lacag gaareysa 10 kun oo doolar.

Sidoo kale waxaa la go'aansaday cidii ka caga jiidda in heshiiskan oo geyn weysa gaadiidka barihii loo cayimay laga qaado 20 kun oo doolar ayadoo tiknikadi kaso gudubta bartii loogu tala galay laga qaadayo kun doolar.

Wasiirka howlaha guud iyo guryeynta Cisman Xasan Cali Caato ayaa oo ka hadadlay munaasabadii heshiiska lagu kala saxiixday ayaa sheegay in heshiiskan uu yahay talaabadii ugu horeysay oo la isugu soo dhaweynayo labadan beelood ee dagaalkoodi uu noqday mid daba dheeraaday.

Sidoo kale munaasabadii heshiiskan ayaa waxaa ka hadlay wasiiru dawlada degedaha dawlada federaalka KMG ah ee Soomaaliya Maxamed Jaamac Furux waxa uuna sheegay in heshiiskan uu yahay mid ay soo qabanqaabiyeen xubnaha labada gole ee dawlada federaalka kaga jira beelahan.

Heshiiskan maanta lagu gaaray magaalada Muqdisho ayaa ah mid soo afjaraya dagaalka sokeeyye ee labadan beelood ee sababay dhimashada boqolaal dad gaaraya ayadoo ay ku barakaceen kumaan qoys,waxaase la is wydiinayaa sida ay suurta galka ku noqon karto fulinta heshiiskan.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM