|
Hay'adda lacagta aduunka oo qeylo
dhaan kasoo saartay abaaraha geeska afrika ka jirta.
Agaasimaha hay’ada lacagta aduunka ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo
yaqaan IMF Rodrigo Rato ayaa ugu baaqay beesha caalamka in kaalmo deg deg ah
oo ku filan lala soo gaaro dadyoowga ku dhaqan wadamada Soomaaliya, Kenya,
Jabuuti iyo Ethiopia,kuwaasi oo ay halakaynayaaan abaaro baaxad weyn.
Rodrigo Rato waxa uu sheegay in beesha caalamka ay tlooba fadhiyo in ay
qaaddo talaabooyin ay wax kaga qabanayaan abaaraha ka taagan geeska afrika.
Waxa uu yiri Ratto "waxaan ugu baaqayaa beesha caalamka iyo wadamada deeqaha
bixiya in ay si deeqsinimo ay ku jirto uga jawaabaan dhibaatada ka dhalatay
abaaraha ka jira geeska Afrika oo ay kaalmo gaarsiiyaan dadka tabaaleysan ee
macluushu ay halakaynayso ,waxaana sidoo kale uu ku sheegay bayaan uu soo
saaray todobaadkan in xaalad bani’aadnimo oo aad u daran ay ka jirto
wadamada soomaaliya, Ethiopia, Kenya iyo Jabuuti oo meelahaasi ay dadku ugu
dhimanayaan gaajo.
Waxa uu intasai ku daray mudane Rato in loo baahan yahay in si deg dega waxa
looga qabto mashaqada abaareed ee taagan ee ka dhalatay roob la’aanta, waxa
uu yiri mar kale waa in badbaadiyaa nolosha dadka ku dhaqan gobolka ee ku
ceyrtoobay abaaraha isagoo walaac ka muujinaya xaalada cuno yari ee taagan .
Sida laga soo xigtay hay’ada beeraha iyo cuntada ee qaramada midoobay FAO,
qiyaastii 11 milyan oo ruux ayaa qarka u saaran macluul iyo gaajodalalka
Djibouti, Ethiopia, Kenya iyo Somalia.
Wakaalaad dhanka kormeerka gargaarka u qaabilsan qaramada midoobay ,Mareykanka
iyo Yurub ayaa ku qiyaastay dadka abaaraha ay ku haysato wadanka SOomaaliya
1.75 milyan oo ruux ayadoo hay'addu ay sheegtay ay dadkani ay sare u
kacaneen.
Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
|