Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Golyaasha dowlada ee Muqdisho ku sugan oo maanta si rasmi ah u aqbalay heshiiskii Cadan.

Xubnaha labada gole ee Muqdisho ku sugan kulan maanta ay yeesheen ayey isku afgarteen in si wada jir ah loo taageero heshiiskii ka dhacay magaalada Cadan.

Kulan ay kasoo qeyb galeen dhamaan xubnaha labada gole ee Muqdisho ku sugan oo ay ku jiraan wasiirada hubeysan oo caadeystay in ay ka maqnaadaan kulamada barlamaanka tan iyo markii lagu dhawaaqay heshiiskii Cadan ayaa maanta laga soo saaray bayaan cadeynaya in xubnaha labada gole ay si wad jir ah u taageeraan heshiiskii madaxweynaha iyo gudoomiyaha barlamaaka ay kuwada saxiixdeen magaalada Cadan ee koonfurta wadanka Yaman.

Kulankii maanta xubnaha labada gole ay yeesheen ayaa waxa uu ka dhacay hoteelka saxafi waxaana shir gudoominayey gudoomiyaha barlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Afhayeenka xubnaha labada gole oo kulankaasi ka dib saxaafada u war siiyey ayaa sheegay in dhamaan xubnaha labada gole aanay u kala harin soo dhaweynta heshiiska ka dhacay Cadan isagoo sheegay in wasiirada hubeysan oo horey uga gaabsan jiray heshiiskaasi ay maanta muujiyeen in ay taageersanyihiin heshiiskaasi.

Aqbalida wasiirada hubeysan ay aqbaleen heshiisikan ayaa timid ka gadaal hadal madaxweynaha uu xalay Jowhar ka jediyey kaasi oo uu kaga codsaday dhamaan xubnaha labada gole in ay heshiiskaasi ay taageeraan isla markaana ay gacan ballaaran ka geystaan fulintiisa.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM