|
Geedi oo ku biiray Kulamada Xasaasiga ah ee uga socda madaxda sar sare ee
dowlada ugu socda magaalada Nairobi .
Ra'iisul Wasaaraha dowladda Fedaraalka kmg ah ee Soomaaliya Cali Max'ed
Geedi iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa waxa ay gaareen magaalada Nairobi ee
xarunta dalka Kenya, iyadoo halkaasina ay kusoo dhaweeyeen xubnaha labada
gole ee ku sugan magaaladaasi.
Geedi ayaa waxa uu ku biiray masuuliyiinta ugu sarraysa dowladda ee
wadahadalada xasaasiga ah ku leh magaalada Nairobi iyadoo masuuliyiintaasina
ay ka baaraaan dagayaan halka ugu haboon ee lagu qaban karo kulanka
baarlamanka fedaraalka KMG ah ee Soomaaliya oo ay haatan ka harsantahay
todobaad qura.
Kulamo albaabada u xiranaayeen ayaa waxa uu magaaladaasi ugu soconayay
tan iyo gelinkii danbe ee shalay madaxweynaha dowladda fedaraalka kmg ah ee
Soomaliya C/Laahi Yuusuf Axmed iyo afhayeenka baarlamanka Shariif Xasan
Sheekh Aadan, iyadoo ilaa iyo welina kulankaasi warbixino aan laga siin
warbaahinta.
Socdaalkan deg dega ah ee uu ra'iisalwasaaraha ku tagay magaalada Nairobi
ayaa ku soo beegmay xili masuuliyiinta ugu sarraysa dowladda ay halkaasi ku
sugan yihiin si ay isugu dayaan qabsoomida kulankii la qorshaynayay in uu
dhex maro baarlamanka fedaraalka kmg ah ee Soomaaliya oo fadhi wadajir ah
aan isugu iman tan iyo wixii ka danbeeyay 17-kii bishii March kalkaasoo
baarlamanka ay iskula tageen gacmaha taasoo waxyaabihii kasoo baxayna uu
noqday dawlad kala degtay Jowhar iyo Muqdisho.
Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
|