|
R/wasaare Geedi oo maanta lagu
wado in Nairobi uu u kicitimo.
Ra’iisal wasaaraha dowladda federaalka KMG ah ee Somalia Prof Cali
Maxamed Geedi ayaa lagu wadaa in maanta oo jimce ah uu ka duullo magaalada
Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha dhexe isagoo kusii jeeda magaalada
Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Wasiir ka tirsan dawladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya oo magaalada
Jowhar ku sugan diideyna in magaciisa la shaaciyo ayaa RSTV u sheegay in
ra’iisal wasaaruhu uu kula kulmi doono magaalada Nairobi gudoomiyaha
baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo xalay magaaladaasi soo gaaray .
Kulankan lagu wado inuu dhex maro gudoomiyaha iyo ra'iisalwasaaraha ayaa
noqonaya kii ugu horeeyey ee ay yeeshaan labada mas'uul tan iyo 17-kii march
ee tagtay.
Kulankan labada mas'uul dhex mari doona ayaa la filayaa in lagu soo
afjari muranka u dhexeeye gudoomiyaha iyo ra'iissalwasaaraha sida ay wararku
sheegayaan.
Maxamed Cadde.
|