Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

       Yaman oo safaarad ka furatay Jowhar.

Xaflad ballaaran oo maanta ka dhacaday magaalada Jowhar ayna kasoo qeyb galeen madaxweynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf iyo ra’iisul wasaarha dowladda Cali Max'ed Geeddi ayaa waxaa maanta looga gudoomay Danjiraha dalka Yemen u fadhiya dalka Soomaaliya Axmed Xamiid waraaqihiisa aqoonsiga ee danjiranimo.

xafladii maanta kadhacday xarunta dowladda fedaraalka kmg ah ee Soomaaliya ayaa waxaa ka hadlay wasiirka qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah C/risaaq Aadan Jurille iyo Danjire Axmed Xamiid.

C/risaaq Jurille ayaa uga mahad celiyay dowladda Yemen dadaalka ay u gashay nabad kusoo dabaalida dalka Soomaaliya iyo dhamaynta khilaafkii u dhaxeeyay masuuliyiinta dowladda fedaraalka kmg ah ee Soomaliya.

Jurille waxa uu sidoo kale fursadaan uu uga faa’iidaystay baaq u jeedinayo beesha caalamka oo ku aadan sidii gar gaar deg deg ah loola soo gaari lahaa dadka abaaruhu ku hayaan qeybo kamid ah dalka Soomaaliya.

Danjire Axmed Xamiid oo isna ka hadlay xafladii maanta kadhacday magaalada Jowhar ayaa sheegay abaaro ba’an oo salfaday dadka iyo duunyada in ay kajiraan dalka Soomaaliya, isagoo tilmaamay dowladdiisa kaalin muuqato in ay kageli doonto gar gaarka loo fidinayo dadka abaaruhu sida daran ay u saameeyeen ee kudhaqan qeybo kamid ah dalka Soomaaliya.

Danjiraha ayaa waxa uu sidoo kale ugu baaqay beesha caalamka in ay wax kaqabtaan abaaraha kataagana dalka Soomaaliya, isagoo tilmaamay dowladda Soomaaliya in looga fadhiyo dadaal weyn in ay u gasho ka gudbida mashaqadan ku habsatay shacabka Soomaaliyeed.

Safaaradan maanta lagu furay magaalada Jowhar ayaa waxa ay noqonaysaa tii 3aad oo laga furo magaaladaas, iyadoo horay halkaasi safaarado ay uga furteen dalalka Talyaaniga iyo Bilguimaka.

Maxamed Cadde
RSTV NEWSROOM