|
Soomaaliya iyo Yemen oo kala saxiixday hishiis iskaashi oo dhex mara.
Dowladaha Yemen iyo Soomaaliya ayaa waxa ay shalay kala saxiixdeen
hishiis iskaashi ah si sara looga qaado xiriirka saaxibtinimo ee kadhaxeeya
labda dal ee walaalaha ah.
Hishiiskan ayaa waxaa labada dhinac ukala saxiixy Wasiirada Arrimaha
Dibadda ee labada dal Abuu Bakar Alqurbi iyo C/Laahi Sheekh Ismaaciil.
Labada Masuul ayaa waxa ay sidoo kale kawadahadleen abaabulida kulan ay
isugu yimaadaan Golaha ururka Islaamka kaasoo looga hadlayo arrimaha dalka
Soomaaliya.
Xafladii lagu maamuusayay hishiiskan oo lagu qabtay magaalada Sanca ayaa
waxaa hadallo kajeediyay labada Masuul oo kudheeraaday xiriirka saaxibtinimo
ee udhaxeeya labada ee Walaalaha ah iyo waliba sidii sara loogu qaadi lahaa
iskaashiga udhaxeeya labada dal ee jaarka ah.
Abu Bakar Alqurbi Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Yemen oo hadal
kooban kajeediyay Xafladaas ayaa sheegay dalkiisa in uu sii wadi doono
taageerida Dowladda Soomaaliya iyo waliba sidii caalamka uu uga gacan kasiin
lahaa Soomaalida dibu dhiska kaabayaasha dhaqaalaha ee burburay.
C/Laahi Sheekh Ismaaciil Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Soomaaliya oo
isagana munaasabadaas kahadlay ayaa ammaan ballaaran ujeediyay dadaalada ay
wado Dowladda yemen iyo doorka ay kaciyaarayso dibu hishiisiinta dalka
Soomaaliya.
Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
|