Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Xubnaha Muqdisho ku sugan oo markoodii ugu horeysay  ka hadlay Arrinta isbaheysigii shalay Muqdisho loogaga dhawaaqay.

Kusimaha Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ahna Afhayeenka Xubnaha labada gole ee Muqdisho kusugan Cumar Xaashi Aadan oo Maanta warbaahinta ugu waramayay Hotelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ka hadlay arragtidiisa ku aadan Isbaheyiga Cusub ee Maalintii shalay ay kaga dhawaaqeen Hoggaamiyeyaasha Hubeysan ee Muqdisho iyo ganacsato.

Cumar Xaashi ayaa waxa uu sheegay in aanu waxba ka ogeyn Isbaheysigaasi cusub ayna u maqleen keliya sida dadka kale ay uga Maqleen warbaahinta wuxuuna tilmaamay in arrintaasi ay haboontahay in wax laga weydiiyo Dadkii ku dhawaaqay.

Mar wax laga weydiiyay Cumar Xaashi bal haddii ay jiraan in Kooxo Argagixiso ay Muqdisho joogaan ayaa waxa uu kaga gaabsaday arrintaasi in ay ku haboontahay in la weydiiyo dadkii ku dhawaaqay in ay argagixisada ladagaalamayaan.

sidoo kale Xubnaha kale ee katirsan Dowladda Federaalka ee kusugan Hotel saxafi ayaa iyana ka gaabsaday in ay ka hadlaan arrinta isbaheysiga inkastoo Mudane kastaa uu kuu sheegayo in uusan dooneynin xittaa haddii uu wax ka ogyahay in uu ka hadlo arrintani.

si kastaba ha ahaatee Isbaheysigani Cusub ee Muqdisho loogaga dhawaaqay ayaa u muuqanaya mid Jawi Cusub gelinaya Xaaladda Dalka uu iminka marayo inkastoo Muqdisho ay kasocdaan abaabul dagaal oo dhinacyo badan iskugu jira.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM