Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Xildhibaano maanta Muqdisho iyo Jowhar ka kala ambabaxay oo gaaray magaalada Baydhabo

Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ee xarunta dowlada kmg ah ee Soomaaliya ayaa tibaaxaya in halkaasi ay ka dhoofeen maanta tiro xildhibaano ah oo gaarayey 35 mudane ayagoo u kicitimay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Xubnihii maanta ka duulay magaalada Jowhar oo uu horkacayey wasiirka xaquuqda aadanaha Xuseen Ceelaabe faahiye ayaa lagu soo waramayaa in duhurnimadii ay ka dageen magaalada Baydhabo ayadoo halkaasi si weyn loogu soo dhaweeyey waxaana xubnahan uu horkacayey Faahiye ka mid ahaa wasiirka gaashaandhiga C/raxman Cali,Wasiirka iyo wasiirka warfaafinta Maareeye.

Dhinaca kale Ilaa 20 xildhibaan oo uu horkacayo afhayeenka xubnaha labada gole ee muqdisho Xildhibaan Cumar Xaashi Aadan ayaa waxa ay saakay safar dhinaca dhulka ah ugu socdaaleen magaalada Baydhabo, xilli magaalada Muqdisho ay ka taagan tahay xiisado u dhaxeeya midowga maxaakimta islaamiga iyo wasiirada hubaysan ee dowladda fedaraalka kmg ah ee Soomaaliya.

Xubnaha socdaalka ku wehliyey Cumar Xaashi waxaa ka mid ah wasiirka lacagta dowlada federaalka C/karim Axmed Cali iyo wasiirka macdanta iyo biyaha Maxamud Salad.

Xildhibaan Cumar Xaashi oo la hadlayay saxaafada ka hor intii aynan ka ambabixin magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Muqdisho in ay xabada joojiyaan, isla markaana wadahadal ay ku dhamaysteen khilaafyada u dhaxeeya, isagoo soo dhaweeyay xabad joojintii ay aqbaleen midowga maxaakimta islaamiga.

Cumar Xaashi waxa uu ugu baaqay wasiirada hubaysan shacabka in ay ka daayaan dagaalada ay hurinayaan isla markaana ay dhinacooda qaataan waan waanta la wado.

Mar wax laga weydiiyay Xildhibaan Cumar Xaashi Aadan dagaaladan ka soo cusboonaaday magaalada Muqdisho saameyn intee la eg ayay ku yeelanayaan kalfadhiga baarlamanka waxa uu sheegay dhibaato culus in ay tahay in mar kale dagaal uu ka dhaco dalka xilli masuuliyiinta dowladdana ay ku dadaalayaan sidii loo soo afjari lahaa khilaafka curyaamiyay dowladda federaalka soomaaliya.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM