Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Xurun la magac baxday Xarunta Baarista iyo latalinta qofka qaba Cudurka AIDS-ka oo laga furay Xarunta Gobolka Shaebeellaha Dhexe ee Jowhar.

Munaasadab ballaaran oo ay kasoo qeyb galeen qaar kamid ah xubnaha labada gole ee dowladda, maamulka gobolka Shabeellaha dhexe, Masuuliyiin kasocotay qaar kamid ah Hay’adaha Samafalka ee ka howl gala magaalada Jowhar iyo ururada Bulshada ee magaalada ayaa waxaa xariga looga jaray xarun cusub oo la magac baxday xarunta baarista iyo la talinta qofka qaba cudurka AIDS-ka oo laga hirgeliyay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe.

Xaruntan oo ah tii ugu horreysay oo caynkeeda ah oo lagu furo gobolka Shabeellaha dhexe waxaa hirgeliyay hay’ada INTER SOS, iyadoo Hay’ada UNICEFna ay gacan ka gaysatay tababarida howl wadeenada caafimaadka ee ka howl galaya xaruntaas.

Agaasimaha cusbitaalka guud ee magaalada Jowhar C/laahi Xuseen Maalin oo kahadlay xafladii furitaanka xaruntaas ayaa sheegay xaruntan cusub qofkii raba in ay ka baarayso Viruz-ka HIV AIDS-ka, iyadoo aynan jirin wax qarash ah oo laga qaadayo qofkaasi, isagoo tilmaamay sirta ruuxaas baarista caafimaad lagu sameeyay in xaruntu ay xafidi doonto haddii laga helay cudurka iyo haddii laga waayaba.

C/xamiid Cali oo katirsan Hay’ada UNICEF oo isna kahadlay xafladaas ayaa soo bandhigay tiro koobkii ugu danbeeyay ee la xariira cudurka AIDS-ka, isagoo tilmaamay Soomaalida in ay hasytaan fursad lagu xakamayn karo faafitaanka cudurkaasi.

C/xamiid waxa uu intaa kudaray baaritaanadii la sameeyay sanadii 2003-da in ay muujinaysay tirada dadka qaba cudurkaas in ay gaarayaan 1%, balse haatan tirada qabta cudurkan in ay sii caga cagaynayso 1 ilaa 2 %, isagoo ku booriyay Culimaa'uddiinka, waxgaradka, Warbaahinta iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada in ay dadka Soomaaliyeed ay ka wacyi geliyaan khatarta cudurkan laayaanka ah.

Wasiirka Waxbarashada ee dowladda fedaraalka kmg ah ee Soomaaliya Cali C/laahi Cosoble oo xariga kajaray xarunta baarista iyo la talinta qofka qaba cudurka AIDS-ka ayaa mahad ballaaran u jeedinayay Hay'ada INTER SOS iyo UNICEF oo gacan ka gaystay furitaanka Xaruntaas.

Cali C/laahi waxa uu carabaabay ahmiyada xaruntan ay u leedahay Shacabka Soomaaliyeed, isagoo ku boorriyay hay'adaha samafalka in ay ka furaan xaruntan oo kale gobollada kale ee dalka tan iyo inta wasaaradda caafimaadka ee dowladda ay awood uga helayso habsami u gudashada waajibaadkeeda.

Wakiilka gobolka Shabeellaha dhexe u qaabilsan arimaha caafimaadka Cabdi Mataan oo isna hadal ka jeediyay ayaa sheegay maamulkooda in uu dadaal weyn ugu jiro la dagaalida faafitaanka cudurka HIV AIDS-ka, isagoo tibaaxay guddiga ka hortaga iyo la dagaalanka cudurka AIDS-ka ee gobolka Shabeellaha dhexe in uu madax u yahay gudoomiyaha gobolka Shabeellaha dhexe Max'ed Dheere, taasoo muujinaysa sida maamulka gobolka ay uga go'antahay ka hortaga faafitaanka cudurkan dhabaatada ba'an ku haya Qaarada Afrika.

Maxamed Cadde
RSTV NEWSROOM