|
Wasiirka wasaarada wax barashada oo hanjabaad u jeediyey xildhibaan Inj
Caddow.
Shir Jaraa'id oo maanta uu ku qabtay wasiirka waxbarashada dowladda
federaalka KMG ah ee Soomaaliya Cali Cabdullaahi Cosoble degmada Jowhar oo
uu ku sugan yahay ayaa waxa uu ku sheegay shirkiisa jaraa'id arrimo quseeyo
xildhibaan .Maxamed Xuseen Cadow.
Wasiirka ayaa shirkiisa jaraa'id ugu baaqay xildhibaan Cadow in uu si deg
deg ah uga soo baxo gobolka Hiiraan haddii uusan kasoo bixinna uu la kulmi
doono cawaaqib xun.
Mar wax laga weydiiyay wasiirka waxbarashada sababta keentay in isaga oo
Jowhar ku sugan uu ugu baaqo Cadow in uu Hiiraan isaga soo boxo ayaa sheegay
in hadalkaasi uu kasoo baxay afkiisa ka dib markii ay ogaadeen in .Cadow ay
qalalaaso ka wadaan qeybo kamid ah gobolka Hiiraan.
"waxaan ugu baaqeynaa in uu kasoo baxo deegaanka uu ku sugan yahay uuna
soo aado halkii uu mar horey ka tagay oo ah Muqdisho, waxaan ka codsanayaa
dadka reer Hiiraan in aysan wax tallaabo ah ka qaadin .Cadow iyo
maleeshiyadiisa inta uu waqtiga loo qabtay ka dhamaanayo, haddii uu
isbaarada qaadi waayana ay mas'uuliyiinta reer Hiiraan tallaabo ka qaadi
doonaan" ayuu yiri wasiirka waxbarashada Cali Cabdullaahi Cosoble.
Sidoo kale wasiirka waxbarashada waxa uu sheegay in kasoo kixitaanka
Cadow uu kasoo baxayo gobolka Hiiraan ay dan u tahay dadka isla dhashay ee
walaalaha ah ee kuwada dhaqan Gobolka Hiiraan
Hadalka wasiirka ka dib ma jirin wax war ah oo kasoo baxay Maxamed Xuseen
Cadow oo k atirsan mudaneyaasha baarlamaanka federaalka KMG ah ee Soomaaliya
oo uu kaga jawaabayo baaqani uu wasiirka waxbarashada soo saaray..
Inj.Maxamed Xuseen Cadow ayaa maalmihii lasoo dhaafay isaga iyo
maleeshiyo uu wato waxa ay gaareen deegaanka Jawiil halkaasi oo ay ka
sameysteen isbaarooyin ay ku sheegeen in ay lacago canshuuro ah kaga
qaadayaan gawaarida wadadaasi isticmaasha.
Maxamed Cadde.
|