|
Mas'uuliyiin ka socota QM oo booqasho maanta ku timid Baydhabo.
Mas'uuliyiin ka socota QM oo ka kooban 11 xubnood ayaa maanta soo gaaray
magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, iyagoo kasoo kicitimay magaalada
Nairobi ee Xarunta dalka Kenya.
Wafdigan oo ay kamid yihiin Sarkaal QM u qaabilsan dhinaca nabadgelyada
John Garden iyo Sarkaal kale ee u qaabilsan dhinaca dibu dhiska David Alen
iyo khubarro kale oo dhinaca amaanka qaabilsan ayaa waxaa ku soo dhaweeyay
garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo Xubno katirsan labada gole oo
sharaxaad uga bixiyay xaalada magaalada Baydhabo iyo horumarka laga sameeyay
dhinaca nabadgelyada tan iyo markii loo doortay in ay marti geliso
kalfadhiga baarlamanka ee laqaban doono dabayaaqada bishan February.
Socdaalka wafdigan oo lasheegay in uu laxiriiro qiimeyn lagu sameeynayo
amaanka magaalada Baydhabo iyo goobaha la dejinayo xildhibanada ayaa
durbadiiba bilaabay in ay booqdaan xarumo dhowr ah oo loo qoondeeyay in
ladejiyo Xaldhibaanada imaan doona magaalada iyo dugsiga 11ka janaayo ee la
iclaamiyay kalfadhiga baarlamanka in lagu qaban doono, iyadoo indha
indhayntaasna ay wehlinayeen xubno katirsan labada gole ee dowladda
fedaraalka kmg ah ee Soomaaliya ayaa waxa ay booqdeen.
Wafdigan kasocda QM ayaa waxaa lafilayaa gellinka danbe ee maanta dib in
ay ugu laabtaan magaalada Nairobi oo markii horaba ay kasoo duuleen.
Maxamed Cadde
RSTV NEWSROOM
|