|
Wasiiro iyo xildhibaano saakay gaaray magaalada Baydhabo
Wafdi xildhibaano iyo wasiiro isugu jira oo ka soo jeeda beelaha Digil
iyo Mirifle ayaa saakay gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay,
iyagoo ka soo duulay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.
Wafdigaan xildhibaanada iyo wasiirada isugu jira oo ka kooban 13 xubnood
oo ay ka mid ahaayeen wasiirka dastuurka iyo arimaha federaalka Cabdalle
Deerow Isaaq, wasiirka dib u heshiisiinta iyo jaaliyadaha Sheekh Aadan
Madeer, wasiirka Tamarta Nuuraane Bakar, Wasiir K/xigeenka dhaqan celinta
iyo maleeshiyaadka, wasiir K/xigeenka owqaafta iyo diinta iyo mudanayaal
kale ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada
Baydhabo, iyadoo xubnihii soo dhaweeyay ay ka mid ahaayeen wasiirka
cadaaladda Sheekh Aadan Madoobe iyo waliba Xildhibaano uu ka mid ahaa XIldhi.
C/laahi Black.
Wafdigaan ayaa waxaa ku jira wasiiro iyo xildhibaano kale oo aan ka soo
jeedin beelaha D&M, waxaana ay horudhac u yihiin mudanayaal iyo wasiiro
halkaasi gaari doona maalmaha soo socda, iyadoo 26 ka bishaan lagu wado in
kulanka BFS uu ka dhaco magaalada Baydhabo.
Xubnahan ayaa waxaa la qorsheynayay in ay ka dagaan garoonka diyaaradaha
ee magaalada Waajid, iyagoo loo soo weeciyay dhinaca magaalada Baydhabo,
waxaana sababta arinkaan lagu sheegay in mudanayaashaan ay wadatashiyo iyo
kulamo la qaadan doonaan Gudoomiyaha Baarlamanka sida uu saxaafadda
magaalada Baydhabo u sheegay Nidaamiyaha BFS.
Imaatinka xubnahaan ee magaalada Baydhabo ayaa ku soo beegmatay xilli
shalay magaaladaasi uu soo gaaray Gudoomiyaha BFS iyo wadi uu hogaaminayo oo
ka soo duulay magaalada Nairobi, iyadoo Maalmaha soo socda lagu wado in
mudanayaal iyo wasiiro ka tirsan BFS ay gaaraan magaalada Baydhabo.
Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
|