Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Golaha wasiirada warfaafinta carabta kulan ay yeesheen oo lagu soo qaaday arimaha warbaahinta Soomaaliya.

Wasiirada warfaafinta wadamada carabta kulan ku yeesheenmagaalada qaahira ee xarunta wadanka Masar waxa ay isula soo qaadeen warbaahinta Soomaaliya sidii loo taageeri lahaa.

ka hadalka wasiiradan warbaahinta Soomaaliya ayaa timid ka gadaal markii wafdi Yaman kulankaasiuga qeyb galayey ay kulanka soo hordhigeen handase taageero loogu fidinayo saxaafada Soomaaliya ayadoo golaha wasiirada warfaafinta carabtaay qorshaha Yaman aqbaleen isla mar ahaantaana sheegeen in qorshaha yaman ay ku darsanayaan liiska howlaha klafdhigooda soo socda.

Wasiirka warfaafinta wadanka Yaman Xussen Alcaweydi ayaa ugu baaqay wasiirada warfaafinta carabta in aanay indhaha is tirin oo ay gacan u fidiyaan saxaafada Soomaaliya oo uu sheegay in ay soo shaqeynaysay xaalad aad u adag oo wadanka ay fowdo iyo kala danbeyn la'aani ay ka jirto.

Waxaa qorshaha Yaman si weyn usoo dhaweeyey safiirka Soomaaliya Qaahira u jooga oo sheegay in dadaalka Yaman ee kaalmaynta warbaahinta Soomaaliya ay tahay mid soo dhaweyn mudan waxaana uu uga mahadceliyey dawlada Yaman iyo shacabkeeduba sida joogta ah ee ay u garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirada warfaafinta carabta golaha ay leeyihiin ayaa la filayaa in arinta warbaahinta uu kusoo qaato kalfadhiga gaar ka ah ee soo socda oo isaga aan waqti loo cayimin.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM