Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya oo dowlada kmg ah taageero uga raadinayo afrika.

Wasiirka arimaha dibada dalka Soomaaliya C/laahi Sheekh Ismaaciil ayaa daboolka ka qaaday in haddii Soomaaliya ay hesho taageerada Africa iyo beesha caalamka ay xukuumadani iminka ka dhisan Soomaliya ay noqon doonto dowlad wax ku ool ah isla markaana dalka ka saarta fowdada iyo kala dambeyn la`aanta.

Hadalkani ayuu C/laahi Sheekh Ismaaciil sheegay xili uu wareysi ku siinayay wakalaada wararka qaarada Africa magaalada Dakar ee xarunta dalka Sinagal isaga oo tibaaxay in dalka Sinagal uu u joogo sidii dalkaasi uu uga codsan lahaa xukuumada Dakar in ay taageero u fidiso Soomaaliya oo ku aadan dhanka Nabadda maadaama Sinagal ay awoodo ku leedahay galbeedka qaarada Africa iyo midowga africaba.

Wasiirka waxa uu xusay in dowalda Sinagal looga fadhiyo in taageero muuqata ay u fidiso Soomaaliya ayna Beesha caalamka ka dhaadhiciso taageerid dhab ah in loo fidiyo Soomaaliya.

C/llaahi Sheekh Ismaaciil waxa uu sheegay in dhibaatooyin waa weyn ay horyaalaan xukuumada KMG soomaliya oo ay ugu horeeyaan dhanka ammaanaka isaga oo sheegay sababaha dowladda ay ugu soo guuri la’dahay Muqdisho ay tahay ammaan daro jirta awgeed laakiin Muqdisho ay tahay Caasimada Soomaaliya.

Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya waxa uu caalamka ka codsaday in dowlada KMG laga taageero sidii ay u soo celin laheyd xafiisyadii dowlada iyo dhismaha wadooyinka oo bur bursan.

Wasiirka waxa uu intaa raaciyay in xafiisyadii dowladda ay haystaan maleeshiyooyin taasina ay keentay in wasaaradaha ay is dul saarmaan isaga oo tusaale u soo qaatay xafiiskiisa Jowhar oo uu sheegay in uu ka kooban yahay laba qol ayna la wadaagaan wasaarado kale taasi oo dhibaata ah.

"Dhibaato maaliyadeed oo xoogan ayaa ina heysta, balanqaadyadii horay loo sameeyayna ee ahaa in soomaaliya dhaqaalo la siiyo weli sidii loo rabay looma fulin laakiin waxaan ku rajo weynahay in inta kale ee harsan ay dhameystirmi doonaan" sidaana waxaa yiri C/laahi sheekh ismaaciil.

Mar lawadiiyay wasiirka arimaha dibada Soomaaliya waxa ka jira wararka sheegaya in Soomaaliya ay joogaan ururo argigixiso ayuu wasiirku sheegay in taa suura gal ay noqon karto maadaama dalka uu in badan dowlad la`aan uu ahaa taasina ay keeni karto in kooxo argagixiso oo ajaanib leh ay soomaaliya ku dhuumaaleystaan.

C/laahi Sheekh Ismaaciil wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya safarkiisaani dublamaasiyadeed ee uu ku marayo qaarada Africa ayaa waxa uu sidoo kale cagta marinayaa dalalka Gambia,Gabon Kongo iyo Brazl isaga oo dalka Kongo wadahadalo kula yeelan doona madaxweynaha dalkaasi Dens Zaso oo iminka ah madaxweynaha midowga Africa ee xiligaan isaga oo kala hadli doona arimaha Soomaaliya.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM